War-saxaafadeed: Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xiyiraada lasaaray Horyaal TV iyo Hadhwanaagnews

6, September 2019, Booliiska Somaliland waxay albaabada u laabeen xarunta telefishanka madaxabanaan ee Horyaal. Waxaa sidoo kale la xidhay mulkiilihii telefishanka, Maxamed Cismaan Mire “Sayid” 7dii September. Majirto sabab cad oo ilaa iyo hada boolisku usheegeen telefiishanka ay xidheen. Maalintii 5ta bisha Booliisku waxaay waraysi ka qaadeen weriye Sayid oo ay wax ka waydiiyeen barnaamij hordhiciisu ka baxay telefishanka oo ku saabsan haweenka qaadka cuna.

Ma jirin wax qoraallo ah oo ka soo baxay Maxkamad ama hay’ad maamul oo la tusay madaxda telefishanka la xayiran.

Sidoo kale 3, September 2019, Maxkamadda Gobolka Hargaysi, waxay amartay in la xayiro shabakada Hadhwanaagnews kadib markii ay daabacday warar sheegaya in Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland lala xidhiidhinayo eedo musuqmaasuq. Gudoomiyuhu wuu diiday eedahaas.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xayiraadahaas la saaray Horyaal iyo Hadhawanaang iyo xadhiga mulkiilaha Horyaal TV, oo xadgudub ku ah xorriyadda saxaafadda ee ay damaanad qaadeen dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ahiba.

Telefishanka iyo website ka lamana siin fursad ay isku difaacaan. Xayiraadaha ay dowladdu saarto saxaafadu waa dhibaato xuquuqal insaan oo walaaceeda leh. Saxaafadda madaxbanaani waxay laf-dhabar u tahay horumarka umadda iyo dimoqraadiyadda .

Sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka waxa mamnuuc ah dhamaan ficilada cabudhinaya saxaafadda. Xayiraada telefishanka Horyaal iyo Hadhwanaagnews waxay xadgudub cad ku tahay xorriyadda saxaafadda iyo saraynta sharciga.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland:

  1. Inay xayiraadda ka qaado telefishanka  Horyaal iyo Hadhwanaagnews, siina dayso mulkiilaha TV ga Horyaal, Mohamed Osmaan Mire “Sayid”  oo ay u ogolaato inay hawshooda wataan.
  2. Inay joojiso cabudhaada joogtada ah ee ay ku hayso warbaahinta.

 

 

Yaasmiin Cumar  Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Mobile: +252 (0)634472011

http://www.hrcsomaliland.org/