Wasiirka wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde oo socdaalka shaqo ku jooga Kiiniya ayaa waxa uu uga digay dhammaanba madax-dhaqameedka dalka Somaliland in aanay ku dhex milmin shir qoolada laga maleegayo maamulka taagta daran ee Soomaaliya.
War-saxaafadeedka uu soo saaray wasiirka Arrimaha Gudduhu waxa uu u dhignaa sida:
“Shirqoolka ka Socda Xamar ee la doonayo in lagu waxyeeleeyo Qaranimada Somaliland waa mid ummadda Somaliland ay ka digtoon yihiin. Waxaana wax lala yaabo ah in Maamulka Muqdisho ku hadaaqo in Somaliland ka mid tahay doorasho ku sheegta maamulka taagta daran ee Soomaaliya loo qabanayo 2016 arrimahaas oo ah mid caal waa ah. ย Haddaba waxaa looga digayaa dhammaanba Madax-Dhaqameedka Somaliland in aan lagu khaldin ama aanay ku dhicin dabinnada ay maleegayaan Maamulka taagta daran ee Muqdisho.
Waxa lagu war galinayaa cidii ka qayb qaadata shirqoolada laga maleegayo Xamar in ay la kulmi doonaan ciqaab adag iyadoo lagu qaadayo khiyaamo Qaran.
Qarankan Somaliland waa Qaran gaamuray oo aan cidina hungurayn karin kuna guulaystay in uu xaqiijiyo midnimadiisa iyo horumarkiisa.”
Allaa Mahad leh.
Cali Maxamed Waran-cade
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha