Warbixin shaacisay caddaymo xooggan oo muujinaya dambiyo dagaal oo Isaa’iil kula kacday Qasa

Warbixino la isku hallayn karo oo ay soo saareen hay’adaha xuquuqda u dooda ee Amnesty International iyo Forensic Architecture ayaa soo bandhiga tacadiyo ay ciidamada Israa’iil ka gaysteen Qasa intii uu socday duulaankii ay Yuhuuddu ku qaadeen Falastiiniyiinta Qasa.

Gaar ahaan warbixintani waxay diirrada saaraysaa maalintii weerarkii ugu xumaa dhacay ee loo bixyey “Jimcihii Madoobaa” 1dii August 2014, maalintaas oo lagu jiray xabad-joojin laakiin ay Israa’iil si aan u kala aabo yeelayn madaafiic iyo bambooyin dusha kagala dhacday meel dadka rayidka ahi ku badan yihiin iyadoo sidoo kale ciidamada Israa’iil ay qoryaha boobeyaasha ah la beegsadeen dad ay saani u arkayeen in ay rayid yihiin.

Warbixintu waxay soo xiganaysaa isla markaana soo bandhigtay boqolaal fiidyow, sawiro iyo markhaatiyo dhulka joogay oo ka mid ahaa intii la beegsanayey.

Halkan akhriso war hore oo xidhiidh la leh kan: “Dagaalkii Israa’iil ku qaadday Qasa sharci buu ahaa, gef dhacayna ma jiro” Warbixin

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com