Waxa diyaariyey Xasan Ciise Raage
Todobaadkan qodobka siyaasadda ugu muhiimsani wuxu ahaa Guurtida oo ku adkaysatay go’aankoodii ay muddada ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada.
Golaha Guurtidu Soomaaliland waxa uu ka mid yahay goleyaasha sharci-dejineed ee ay Soomaaliland ku soo caano-maasay tan iyo markii ay ku dhawaaqday in ay gooni isku taagtay oo ay ka noqotay midnimadii ay la gashay Soomaaliya.
Waxaa la hubaa in Golaha Guurtidu yahay kan cagta u dhigay nabadda iyo xasiloonada maanta ka hanaqaaday geyiga Soomaaliland waana waxa ay kaga duwan tahay Soomaalida inteeda kale.
Waxaa jira dhibaatooyin badan oo soo wajahay Soomaaliland oo ay kala dabbaasheen markii ay noolaayeen ruug-caddaayadii Golaha Guurtida iyo guud ahaan geyiga Soomaaliland laga ixtiraami jiray. Walow aanay xubnaha Golaha Guurtidu ahayn dad doorasho ku yimid, haddana waxay ixtiraam ku helaan in ay dadka dhexdhexaad u yihiin oo ay inta badan arrimaa si lagu qanco uga gar naqaan.
Tan iyo markii golahan la unkay sanadkii 1993kii dhawr jeer ayaa iyaga laftooda loo kordhiyey, marnaba arintooda buuq siyaasadeed kama dhalan ee isku aragti uun baa laga ahaa. Waxa loo arkayey gole waayeel oo culimo isku urursatay isla markaana u taagan badbaadada ummadda.
Ayaan-darro, sumcaddaasi waxay u eg tahay in ay meesha ka sii baxayso. Hadda marka aad u fiirsato waxa ay u muuqdaan in ay qayb ka noqdeen muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya xisbiyada Qaranka ee wadanka ka jira.
Haatan waxaa jirta saddex soo-jeedinood oo ku saabsan goorta doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka la qabanayo. Waxay kala yihiin:
Soo-jeedinta guddida doorashada oo ah in bisha Juun 2016 wixii ka danbeeya ay diyaar yihiin haddii ay dhammastirka diiwaangelinta noqoto iyo haddii ay codayn noqotaba.
Ta labaad waa soo-jeedinta xisbiyada mucaardaka ah Waddani iyo UCID iyo kan muxaafidka ah ee Kulmiye, kuwaas oo 27kii May isku raacay in doorashadu qabsoonto Diisambar 2016.
Ta saddexaad waa muddo-kordhintii Guurtidu samaysay 11 May oo ah in doorashadu qabsoonto Abriil 2017. Muddo-kordhinta Guurtida iyo doonista xisbiyada waxa u dhaxeeya 4 bilood, muddadan oo mucaaridka ula muuqata wakhti dheer oo aan la aqbali karin, halka Guurtidu ay ku adkaysanayaan in kordhintoodu ay sharci lama-dhaafaan ah tahay.
Si kastaba ha ahaatee Golaha loogama baran in ay meel isku dhajiyaan oo ay yidhaahdaan taayada uun baa soconaysa wixii kalena waa baadil, taasina waa ta ka soo yeedhay Guddoomiye-xigeenka labaad ee Golaha laba maalmood ka hor markii uu u waraamaayey BBC-da isaga oo sheegay in kordhinta ay sameeyeen sharci tahay, wixii ka soo hadhaana sharci-darro. Su’aasha muhiimka ahi waxa weeyi, goorma ayay Guurtidu sidan maro-ku-dhag u noqdeen?
Mar haddii nimankii tartamaayey ee siyaasadda ku loolamaayey isla ogol yihiin in ay bisha laba iyo tobnaad ee sanadka danbe ka dhigtaan waxaa Guurtida malaha u habboon in ay tan xisbiyada u soo tanaasulaan ama dedaalkooda oo dhan geliyaan sidii ay xisbiyada u qancin lahaayeen, haddii kale sida haddaba la tuhusan yahay waxay u muuqan doonaan in ay cid gaar ah la safan yihiin.
Doorashadan dib-u-dhacay waxay sababtey arrimo dhawr ah iyo culaysyo soo food-saaray Soomaaliland. Waxa ugu horreeya cannaata ka imanaysa bulshada caalamka oo leh “sidan la idiinkama baran.” Waxay ku hanjabayaan taageeradii ay muddada dheer ina siinayeen in ay la laabanayaan. Tallaabooyinka qaarna waxay u muuqataa in la qaaday sida Midowga Yurub oo lagu xamanayo in ay xafiiskoodii xidheen, mashaariic la isla dhex marayo in Muqdisho loo leexiyey iyo kuwo laga baqayo in la joojiyo. Waxa intaas dheer kalsoonidii siyaasiyiinteen oo wiiqantay iyo kala-shaki ku soo badanaya bulshada kala taageersan.
Mar haddii ay sunne noqoto in doorashada Madaxtooyadu laba sanno dhaafto wakhtigeedii, miyaanay ahayn in aynu sharciga wax ka beddelno oo muddo-xileedka madaxweynaha 7 sanno oo xalaal ah ka dhigno si kordhin danbe looga badbaado.
Ugu dambayn Golaha Guurtida laba arrimood baa la gudboon, in ay ficil ahaan u muujiso dhexdhexaadnimadeeda isla markaana ay sii waddo wax-isku-soo-dhawayntii iyo tanaasulkii looga bartay, iyo in la casriyeeyo oo laga dhigo gole dimuqraadi ah oo xubnihiisu doorasho ku yimaadaan amaba dib loo soo xulo odayaal la da’ ah kuwii lagu furay maadaama ay hadda dhallinyaro u badan yihiin. Waa lagama maarmaan in Golaha Guurtidu ahaado mid leh haybad lagu badbaadi karo maalinta ay adkaato.