Wareegto Madaxweyne: Xukuumaddu waxay bixinaysaa lacagta deebaajiga ah ee murashaxiinta haweenka iyo bulshada la haybsooco

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WHM/240-718/03202 ku go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta MaaliyaddaOg: Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Og: Xisbiga KULMIYE

Og: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Og: Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Og: Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ujeeddo:   Deebaajiga Murashixiinta ee Haweenka iyo Dadka-La-Hayb Sooco

Mudane Wasiir,

Sida aad la socoto Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020 Qodobka 68aad iyo Qodobka 83aad waxa ay ku waajibinayaan Murashixiinta Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka in ay bixiyaan Lacag Deebaaji ah, kuna shubaan Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Haddaba, si ay xukuumaddu u dhiirigaliso ka qayb-galka Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco waxaan go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.

Sidaa darteed, waxa aan ku war-gelinayaa Xisbiyadda Qaranka in ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u gudbiyaan faah-faahinta murashixiinta kor ku xusan ee shuruudihii sharciga buuxiyey.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa la farayaa in ay bixiso lacagta sharcigu ku waajibiyey murashixiinta kor ku xusan ee shuruudaha buuxiyey ee ay kuu soo gudbiyaan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Qaranku.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland 

Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

https://madaxtooyadajsl.com/

https://somalilandnation.com/

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

https://www.youtube.com/user/nasirnaska/videos