Wargalin mihiima Dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda JSL

Sum: HSHD/XG-01/12-2523/2024.

Ku: Dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda JSL

Og: Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland JSL

Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland JSL

Ujeeddo: Ilaalinta Saacadaha Shaqada.

Mudaneyaal,

Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, iyada oo tixraacaya wareegtada Madaxweyne ee tirsigeedu yahay JSL/XM/WM/222-007/122024 ee ku taariikheysan 20/12/2024 kana soo baxday xafiiska Madaxweynaha JSL, ujeedaddeeduna ahayd Ilaalinta Saacadaha Shaqada.

Haddaba, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, iyada oo tixraacaysa Qodabka 10aad farqadahiisa 1aad, 2aad, 3aad, 4aad, 5aad, 6aad iyo 7aad, ee Xeerka Shaqaalaha Dawladda Xeer Lr.97/2022, farqadahaas oo koobsanaya Saacadaha Shaqada, kaalaysiga Shaqada, sababaha Shaqada lagaga maqnaan karo, wakhtiga salaadda iyo maalmaha nasahada.

Sidaas darteed, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo, waxaa dhammaan Wasaaraddaha, Hay’addaha iyo xafiisyada dawladda la farayaa inay ilaaliyaan Saacadaha Shaqada ee xeerku jideeyay kana bilaabmaysa 7:00am kuna dhamaanaysa 3:00pm.

Ugu dambeyn, waxaa lagu adkeynaa madaxda Wasaaraddaha, Hay’addaha iyo xafiiyada dawladda inay xoojiyaan la xisaabtanka shaqaalaha ee ilaalinta saacadaha shaqada ee xeerku jideeyay.

F.G:- Wasaaraddaha, Hay’addaha iyo Xafiisyadda leh kaalaysi shaqo (Shifts) waa in ay u kala qorsheeyaan shaqaalahooda sidii loo gudan lahaa 8da saacadood ee lixda maalmood ee shaqada. Sidoo kale waxa aan magacaabey guddi hubin, qiimeyn, iyo dabagal ku sameyn doonta fulinta in saacaddaha shaqadu sida loogu talo galay loo hirgaliyo.

 

Allaa Mahad Leh

Bandhige@gmail.com