War-gelin: Diyaaradda sida maydka Marxuum Fu’aad Aadan Cadde waxay imanaysaa garoonka diyaaraddaha Hargeysa 10:30 subaxnimo Sabtida 18/7/2015

Guddiga qaban-qaabada aaska marxuun Fu’aad Aadan Cadde ayaa shaaciyey isbedel ku yimid wakhtiga imaatinka diyaaradda sida maydka marxuun Fu’aad Aadan Cadde.

Guddigan ayaa shalay ku dhawaaqay inay diyaaradda sida maydka marxuunka la keenayo 7:00Am Subaxnimo, ayaa markale sheegay in wakhtigaasi isbedel ku yimid oo ay iman doonto diyaaradda sida maydka Marxuun Fu’aad Aadan Cadde  10:30 subaxnimo  ee berito.

11:00 subaxnimona saacaddu markay ayaa toos loo geyn doono xabaalaha Naaso-hablood halkaasi oo lagaga tukan doono Marxuumka laguna aasi doono.

Sidaa awgeed waxay Guddida qaban-qaabada aaska Marxuun Fu’aad Aadan Cadde waxay ku war-gelinayaan labada Golle, xisbiyada, culimada, madax-dhaqameedka iyo shacbi weynaha Somaliland in ay sidaasi ula socdaan kana soo qaybgalaan aaska marxuumka iyaga oo tixgelinaya wakhtiga danbe ee duulimaadku u dhacay guddiduna ku dhawaaqday.

 

bandhige@gmail.com