Wargeys ka mid ah kuwa ugu caansan Kiiniya oo magaciisa la yidhaah The Star ayaa qoray warbixin lama-filaan ah taas oo tibaaxaysa in Xisbiga Waddani dabada ka riixayo Somaliland oo la midowda Soomaaliya.
Warbixin uu jaa’idkani daabacay ayaa u dhignayd sida tan:
“Hoggaamiyaha mucaaridka ugu weyn Somaliland ayaa si maldahan u muujiyey in ay suurto gal tahay in ay Somaliland iyo Soomaaliya midoobaan sannadka kadib doorashooyinka labada waddan gali doonaan. Somaliland waxay la soo noqotay xoriyadeedii ka luntay 1960-kii sannadkii 1991-kii kadib dagaalo sokeeyo oo sababay burburkii ay gaysatay dawladdii Siyaad Barre. Somaliland waxay ilaa hadda tahay maamul ka madax bannaan dawladda Federaalka Soomaaliya ee ka talisa Muqdisho.”
Wargeyska the Star wuxu intaa ku daray:
“Hogaamiyaha Mucaaridka Cabdiraxmaan Cabdilaahi wuxu kulan la yeeshay Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid si uu u ugu muujiyo suurtogalnimada in ay Somaliland la midowdo mar labaad Soomaaliya. Codbixiyayaasha Somaliland ayaa lagu wadaa in ay u dareeraan doorashada guud ee Madaxtooyadda sannadka dambe ee bsha March 27-keeda oo ay saddex bilood kala horeeyaan doorashada Soomaaliya oo dhici doonta 28-ka bishan aynu ku jirno.”
Dhanka kale saraakiil ka tirsan Golaha Fulinta ee xisbul-xaakimka ayaa maanta shir-saxaafadeed ku qabtay magaalada Hargeysa, waxayna xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ugu baaqeen in ay ummadda u caddeeyaan waxa uu ahaa shir qarsoodi ah oo ay la galeen madax ka socotay dawladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Cumar Cabdirashiid Ra’iisal-Wasaaraha Soomaaliya.
Hase ahaatee warkan oo sidoo kale ilaa shalay la isugu wareejinayey warbaahinta bulshada wali xisbiga Waddani wax war ah kama uu soo saarin.
Markii weftiga Waddani Hargeysa ku soo laabtay waxay sheegeen in ay la kulmeen safiirro uu ku jirto safiirka Sucuudiga u fadhiya Kiiniya oo ay kala hadleen arrinta xoolaha Soomaalida ee Sucuudigu joojiyey iyo arrimo ay ku jirto arrinta abaaraha ka jira Somaliland .
Warbixinta ayaa hadda aan laga daalacan karin mareegta ay The Star leedahay oo ay u muuqato in laga saaray, laakiinse waxaanu halkan hoose idiinku soo gudbinayaa muuqaalo sawiro ah oo laga qaaday mareegta oo uu warku ku jiro iyo jaraa’id muuqaal jaraa’idka ah.
Halkan hoose ka eeg sawirada:
Sawirkan hoosena waxaad ka eegi kartaan marka mareegta laga saaray warkan jawaabta uu ku siinayo marka aad booqato warkaas:
Links: http://www.the-star.co.ke/news/2016/12/23/somaliland-opposition-in-nairobi-for-strategy-meetings_c1477446