Wargeys soo bandhigay 9 astaamood oo lagu garto xubnaha ururrada loogu yeedho arggagixisada marka ay wax maaggan yihiin

Wargeyska MBC ayaa Isniintii barta uu ku leeyahay internetka ku daabacay daraasad uu sameeyey khabiir la socda arrimaha ururrada loogu yeedho argagixisada oo magaciisa la yidhaa Mansur Al-Shammari.

Khabiirku wuxu diirradda saaray astaamaha ay ka midaysan yihiin xubnaha ka tirsan urruradan ee lagu garan karo meel kastaba ha joogaane, wuxuna daraasaddiisa ku soo ururiyey qodobadan sagaalka ah:

  1. Dharka: Waxa ay xidhaan dhar ka waaweyn culayskooduna badan yahay si ay u qarin karaan walxaha ay hoosta ku sitaan.
  2. Tallaabada: Xubnahani marka ay raran yihiin uma tallaabsadaan sidoodii caadiga ahayd. Waxa tallaabadooda khalkhal ku keena culeyska walxaha ay sitaan marar bandanna marka ay xaaladdan ku jiraan waa ay daroogaysan yihiin.
  3. Wejiga: Marka ay wax maagan yihiin wajigooda waxa ka muuqda qulub, werwer iyo baqdin. Taasin waxa ay keentaa muruqyada maamula dhaqdhaqaaqa wejigu in ay isbedbedelaan amaba la yimaadaan dhaqdhaqaaqyo aan dabiici ahayn oo la dareemi karo.
  4. Neefsashada: Culeyska ay xambaarsan yihiin iyo cabsida dabiiciga ah ee dareemayaan ayaa keenta in neefsashadoodu noqoto mid aad u degdeg badan oo mararka qaar loo qaadan karo qof hiin-raagaya.
  5. Daymada: Maadaama uu qofkani leeyahay hadaf sugan iyo meel uu ku ganan yahay, daymadiisu waxay noqotaa mid dhinac qudha u jeedda. Mararka qaar xataa ma eego amaba ma arko dadka ay iska hor imanayaan iyo kuwa uu hareerahooda marayo.
  6. Afka: rag badan oo dunida ah oo ururradan ka tirsan oo wax qarxiyey ama weerraro gaystay dadkii arkay ka hor intii aanay falalka gaysan waxay sheegeen in ay ka sinnaayeen afkooda oo samaynayey dhaqdhaqaaq fara badan, ha noqoto in ay ashahaadanayeen ama duco akhrisanayeen ama ha noqoto in dheecaanada jidhka oo ay cabsida dabiiciga ahi khalkhal ku keentay.
  7. Urta: rag badan oo fuliyey weerraro oo ururadan ka mid ah waxa maydkooda lagu arkay udgoon fara badanay, iyagoo udug isasoo mariyey ka hor intii aanay falka gaysan.
  8. Gadhka: Maadaama ururradan lagu bartay in ay inta badan gadh la baxaan kuwooda wax maaggani way iska xiiraan si ayu raad-gataan. Sidaas daraadeed waxay gadhka iska xiiraan muddo yar ka hor marka ay weerarka qaadayaan, taasina waxa ay keentaa in ay dhabannada iyo meelihii kale ee ay gadhka iyo shaaribuhu kaga ooli jireen aad u widhwidhaan maadaama ay in badan cadceedda ka qarsoonaayeen.
  9. Is-dhego-marin: Xubnaha ururkani marka ay hawlgalladooda u socdaan waxa ay ka taxadiraan wax kasta oo ku keeni kara fashilin, sidaas daraadeed cid kasta oo u yeedha, u gacan haadisa amaba la hadasha waa ay iska dhego-mariyaan waxayna toos u abbaaraan halka ay beegsanayaan.

Waxa turjuntay: Ina Siciid

Bandhige@gmail.com