War-saxaafadeed: Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi Jeex Waxay Xayiraaddii Ka Qaaday Wargeyska Haatuf

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi Jeex amar ay dhawaan soo saartay waxa ay xayiraadii saarnayd kaga qaaday, ruqsadii soo bixitaankana usoo celisay Wargeyska Haatuf ee luuqada Afsoomaaliga ku soo bixi jiray, iyadoo uu qoraalka amarka maxkamaddu uu gacantayada soo galay maanta oo Axad ah (8 July 2018).

Sida la ogsoon yahay xukuumadda Somaliland ayaa 7/4/2014 albaabada u laabtay xaruntii shirkadda Haatuf Media Network ee soo saari jirtay saddexda Wargeys ee Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi, iyadoo xoog ciidan kula wareegtay xafiisyadii, agabkii iyo qalabkii xaruntaasi yaalayba.

Intaas ka dib ayaa afar dhibane oo saddex ka mid ahi ka tirsan yihiin masuuliyiinta sarsare ee xukuumadda Somaliland waxay dacwad ciqaab ah kusoo oogeen wargeyska Haatuf, waxaanay 25/6/2014 Maxkamadda gobolka Hargeisa oo uu xiligaa guddoomiye ka ahaa Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Faysal-dhago- dhago), garsoore-na ka ahaa Asad Nuur xukun xadhig dhawr sanadood ah ku riday Mulkiilihii Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatirihiisii Axmed Cali Cige, isla markaana waxa uu xukunkaasi baabiiyey ruqsadii uu kusoo bixi jiray Wargeyska Haatuf oo qudha, iyadoo sheegtay ‘inuu caadaystay af-lagaadada ummadda Somaliland, khaas ahaan masuuliyiinta qaranka’.

Wargeyska Haatuf waxa lagu haystay maqaalo uu kusoo bandhigay musuqmaasuq ay ku kaceen masuuliyiin sarsare oo ka tirsanaa xukuumadii Somaliland ee xiligaas jirtay iyo waliba awood maroorsi ay ku kaceen shaqsiyaad aan xil rasmi ah dawladdaasi ka haynin.
Hadaba inkastoo xukunkaasi ahaa mid lanagu dulmiyey oo awood dawladeed la nagu muquuniyey hadana waxa intaas noo dheeraa xukuumadda oo naga joojisay soo-saaristii labadii wargeys ee kale ee kala ahaa The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi, iyadoo aanay haba-yaraatee jirin cid kasoo dacwootey iyo wax xukun ah oo ku dhacay labadaas wargeys, taas oo aanu horaantii 2016-kii maxkamadda u gudbinay dacwad aanu ku codsanayno in dawladdu noo magdhawdo khasaarihii meherad ahaan (business) iyo hanti ahaanba naga soo gaadhay, soo bixid la’aanta labadaas wargeys ee Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi laga soo bilaabo 7/4/2014.

Ugu danbayn waxaanu halkan mahadnaq balaadhan uga soo jeedinaynaa Maxkamadda rafcaanka gobolka Maroodi Jeex ee xayiraadii ka qaaday wargeyska Haatuf iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee taageersan xoriyatul-qawlka, gaar ahaan xoriyada saxaafadda.

Shirkadda Haatuf Media Network

WA BILAAHI TAWFIIQ