Warsaxaafadeed: Muranada siyaasadda iyo Firaaqa Maamul ee soo socda

Ururada bulshada ee bayaankan soo saaray waxay werwer xoog leh ka qabaan heerka uu marayo khilaafka ka dhex jira hoggaamiyayaasha siyaasadda ee Somaliland, kaas oo u muuqda inuu dalka u jiheeyey jawi halis gelinaya mustaqbalka siyaasadeed iyo deganaanshaha Somaliland.

Sidoo kale waxaanu ka walaacsannahay in marka la qiimeeyo wakhtiga hadhay iyo duruufaha taagan ee ay ka mid yihiin, wakhtiga kooban ee ka hadhay doorashooyinka muddaysan, dhammaadka muddo xileedka hay’adaha dawliga ah ee kala duwan iyo muranada siyaasiga ah ee jiraa, inaanay ahayn kuwo suurto gelinaya inay doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacaan, Tusaale ahaan.

⮚     Sida uu dhigayo qodobka 6aad (2), ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka (Xeer Lr. 91/2020) Guddida Doorashada waxaa looga baahan yahay inay cayimaan wakhtiga doorashada, 120 maalmood ka hor wakhtiga ay doorashadu dhacayso, isla markaana waa in madaxweynuhu uu ku soo saaraa digreeto muddo 15 maalmood gudahood ah. Haatan waxaynu ognahay in doorashada madaxtooyadu ay qorshaysan tahay 13/11/2022, halka doorashada Guurtidu ay qorshaysan tahay 12/12/2022, iyada oo ay tahay in la qabto doorashada tooska ah ee ururada ka hor xilliga uu dhacayo Liisanka Xisbiyada Qaran ee haatan jira oo ku eg 26/12/2022. Illaa haatan lama cayimin wakhtiga doorashooyinka, sida ku xusan qodobka 6aad ee Xeer Lr. 91/2020.

⮚     Sida ku cad qodobka 43aad ee Xeer Lr. 91/2020, Guddida doorashada ayaa laga doonayaa inay doorasho kasta ay sameeyaan diiwaangelin codbixiye. Illaa haatan lama qaban, diiwaangelintii codbixiyayaasha.

⮚     Sidoo kale ma muuqdo, jawi siyaasadeed oo heshiis lagu yahay oo la doonayo in lagaga gudbo xaaladaha siyaasadeed ee taagan. Ka dib markii ay guuldaraysteen dhammaan dhexdhexaadinadii la doonayey in la isugu soo dhoweeyo xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah.

Qodobadani waxay muujinayaan inay farsamo ahaan iyo sharci ahaan ay adag tahay in wakhtiga kooban ee hadhay lagu qabto doorashada madaxtooyada ee muddaysan 13/11/2022, doorashada Guurtida ee muddaysan 12/12/2022 iyo doorashada tooska ah ee ururada iyo xisbiyada ee ay tahay in la qabto inta ka horraysa 26/12/2022 oo ah wakhtiga uu dhacayo liisanka saddexda xisbi qaran ee haatan jira.

Haddaba waxaanu aad uga walaacsannahay:

⮚     Haddii aan xal siyaasi ah oo degdeg ah la helin, waxaa muddo 100 habeen gudahood ah, firaaq maamul gelaya guud ahaan dalka Somaliland, ka dib marka uu dhamaado wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay madaxweynaha, wakhtigii jiritaanka ee saddexda xisbi qaran iyo muddadii xil haynta ee golaha Guurtida.[1] Sidoo kale waxaa muddo lix bilood gudahood ah, ku dhacaya shahaadada hawl-galka ee la siiyey ururada cusub ee is-diiwaangeliyey, muddadaas lixda bilood ah ayaa ka bilaabanaysa bishii August 17-keedii, 2022 oo ahayd markii shahaadada la guddoonsiiyey ururada siyaasadda.[2]

⮚     Waxaanu aad uga walaacsannahay, xadhiga joogtada noqday ee loo geysto saxafiyiinta, siyaasiyiinta mucaaradka, hoggaanka dhaqanka iyo hay’adaha warbaahinta. Hay’adaha warbaahinta ee la xidhay waxaa ugu dambeeyey telefishanka madaxa banaan Codka Bariga Afrika, taas oo aan xadhigiisa loo marin sifo sharci ah.

Waxaanu aad uga walaacsannahay hadal ka soo yeedhay xubno golaha Guurtida ah oo u ololaynaya[3] in ajandaha golaha Guurtida lagu daro in bisha soo socota ee October, uu golahaasi muddo kordhin sameeyo. Waa tallaabo kor u sii qaadi karta, haddii golaha Guurtidu ay sameeyaan muddo kordhin aan lagala tashan guddida doorashada sida sharcigu qabo.

 

[1] Muddada 5-ta sano ah ee la doortay Madaxweyne Biixi waxay ku egtahay November 13, 2022, halka muddada liisanka ee tobanka sano ee saddexda xisbi ay ku egtahay December 26, 2022, muddo kordhinta loo sameeyey golaha Guurtida ayaa ku eg January 12, 2022.

[2] Sida ku cad qodobka 5aad faqraddiisa 2aad ee Xeer Lr. 14/2011, muddada hawl-galada ururada siyaasadeed waa 6 bilood oo ka bilaabanta taariikhda ogolaanshaha ku meel gaadhka ah la siiyey. Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka, ayaa bishii August 17-keedii, 2022, waxay ururada siyaasadda ee isdiiwaangeliyey ay siiyeen, shahaada ku meel-gaadhka ah, ee ay ururadu ku hawlgelayaan, taasoo oo muujinaysa in marka la gaadho bisha March 17-keeda, 2023, inuu dhacayso shahaadada hawlgalka ee la siiyey haddii aanay doorasho ka qaybgelin  guddida diiwaangalinta ururada siyaasadda Somaliland oo shaaciyay ururada ku guulaystay buuxinta – YouTube

[3] Doodda Golaha Guurtida, September 10-keedii, 2022  “Muddo Kordhinta aynu ka dhigno 21 October” Xildhibaan Indho Indho – YouTube