Warsaxaafadeed: Xarunta Xuquuqal Iinsaanku Waxay Canbaraynaysa Xadhiga Muwadiniinta Xidhan

Xaruntu Xuquuqal Insaanku  waxay canbaaraynaysaa xadhiga Aadan Xuseen Xaashi oo ah nin muwaadina oo degan magaalada Hargeisa

15, Febuary, 2021, waxa magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafada masalaha lagaso xidhay Aadan Xuseen Xaashi.

Xadhigiisu waxa uu yimid ka dib markii isaga oo dhisme kawada meel udhow aqal la sheegay in ay degan yihiin ciidamada Sidoonka Somaliland oo ku yaala xaafada masalaha,  uu ag fadhiistay  ka dibna ay ku soo baxeen laba nin  oo gacan ka hadal ku bilabeen, isla markibana ku xereexeen gurigi ay ka soo baxeen  jidhdilna u gaysteen.

Intasi marki ay dhacday way sii dayeen, ka dib Aadan oo ah muwaadinka xidhanani waxa u dacwooday saldhiga, muddo kadib waa laxidhay ilaa hadana  wuu xidhan yahay.

Waxaana dacwadi kaga socota maxakamada ciidamada, isagoo lagusoo eedeeyay is ka horkeen ciidan. Qodobada 205(1) (2) 267, Xeerka Ciqaabta Guud.

Aadan waxa u sifo aan sharci ahayn u xidhan yahay mudo seddex bilood ka badan.

Waxana dacwad  kuso oogtay Maxkamed Ciidan, oo aan awood u lahayn in ay maxkamadayso amaba ay danbiyo kusoo oogto dadka civilian ka ah.

Sida ku cad qodobka (25) ee dastuurka, waxa uu dhigaya “Qofna xorriyadisa looga qaadi karin si aan xeerka waafaqsanayn.

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaraynaysa xadhigaas lagula kacay muwadinka, waxaanay dowlada usoo jeedinaysa in sida ugu dhaqsaha badanle xoriyadisa logso celiyo muwadinka.

 

 

 

Sidoo kale Xarntu Xuquuqal Insaanku waxay canbaraynaysa xadhiga 50 dhalin yaroda ah oo  lagu xidhay Boorama,   26, June, 2021, kuwaaso u xidhan kadib marki ay xidheen maryo calan ka Somalia ka samaysan, sida ay sheegeen ciidamka booliska Somaliland.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaraynaysa xadhigaas lagula kacay muwadiniinta.

waxaanay dowlada usoo jeedinaysa in sida ugu dhaqsaha badanle xoriyadoda loogu so celiyo muwadiniinta xidhan.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insanka

Mobile: +252 (0)634472011