Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Saraar ayaa Shalay galab garoonka Magaalada Caynabo ku Soo gabagabeysay Tartanka Kooxaha Heerka 4aad kaas oo mudo bil ah u socday.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Saraar ayaa Shalay galab garoonka Magaalada Caynabo ku Soo gabagabeysay Tartanka Kooxaha Heerka 4aad kaas oo mudo bil ah u socday.

Tartankaas oo ay ka soo qaybgaleen kooxo tiro badan oo ka Dhisan Magaalada caynabo ayaa ciyaartii kama danbeysta ahayd waxaa isugu soo hadhay kooxaha Magacyada Xaafada HORSEED ee (Fc horseed)iyo Magaca Shirkada Isgaadhsiinta TELESOM (fc Telesom) waxaanay guushu gool ku laad ama rikoodhayaal 4 iyo 5 ah guushu ku Raacday kooxda FC HORSEED ee ku Ciyaareysay magaca Xaafada Horseed.

Ugu danbeyntiina Isuduwaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Saraar Xuseen Axmed Cawed Ayaa koobkii gudoonsiiyey Kooxdii tartanka ku guuleysatay Sidoo kale Wuxuu bilado iyo Abaal-marino kala duwan gudoonsiiyey Ciyaaryahanadii iyo Tababarayaashii intii ay Ciyaaruhu socdeen Muujiyey Akhlaaqda iyo
Ciyaar-wanaaga.