Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo dhammays-tiraysa Xeerka Carruurta

Dr. Cabdi Aw Daahir oo furaya shirka Xeerka Carruurta

Shir ay Arbacadii qabatay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu oo soconaya laba maalmood ayaa lagu soo bandhigay qabo-qoraal Xeer-ka Carruurta Somaliland ah, kaas oo ay wada-jir u diyaariyeen Wasaaraddan iyo hay’adaha ay iskaashiga leeyihiin.

Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa sheegay in kulankani uu yahay kii lagu axadhayey xeerka iyo siyaasadda carruurta oo in badan laga soo shaqaynayey hawsha hadda hadhsanina ay kooban tahay.

“Waxa aynu diyaarinaynaa waa xeerkii carruurteena, wixii loo tari lahaa, wixii waajib ku ahaa qarankeena iyo waalidkaba ee la xidhiidha carruurta” ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.

Wasiir Cabdi Aw Daahir wuxu sheegay in marka ay Wasaaraddu qabyo-tirto xeerkan loo gudbin doono Golaha Wasiirrada kadibna Golaha Wakiillada si uu sharci u noqdo .

Luul Aadan Geeddi, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa iyaduna sheegtay in xeerkani yahay mid muhiim ah oo ay ku dhaqmi doonaan cid kasta oo daneeye u ah carruurta Somaliland.

Luul Aadan Geeddi, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada
Luul Aadan Geeddi, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada

Saraakiil ka socotay hay’adaha caalamiga ah ee shaqadan wax ka gaystay ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Bulshada sidii xilka isku saareen markii la diyaarinayey xeerkan iyo wada-shaqayntii ay muujiyeen.

Haddii xeerkan ay ogolaadaan Golaha Wasiirrada iyo Gollaha Wakiilladu wuxu noqon doonaa kii koowaad ee noociisa ah ee laga hirgeliyey Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka shirka:

bandhige@gmail.com