Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, waxay maanta Tababar u bilowday Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, waxay maanta Tababar u bilowday Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal
Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi iyo Gudoomiyaha Gobolka Awdal Xasan Daahir Xaddi ayaa si wadajir ah u furay Tababar ku saabsan doorka Madax-Dhaqameedka ee Horumarinta Nabad Waarta.
Ugu horeyn Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi ayaa ka hadlay muhiimadda ay u leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal in ay iska kaashadaan nabada iyo horumarinta xasiloonida gobolka, isagoo Agaasimuhu sheegay inay bar bilow fiican u tahay Madax-Dhaqameedka Gobolka Salel in si wadajir ah ugu wada xaajoodaan arrimahooda gaarka ah, iyagoo wada hadal iyo isfahan ku dhamaysanaya wixii ay ugu baahdaan Wasaaradda Arrimaha Guduhuna ay diyaar u tahay inay si dhaw ula shaqayso waxyaabahii lagu xusay kulankana uu noqon doono mid sida ugu dhaqsaha badan Wasaaraddu uga soo tala bixiso.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Xasan Dahir Xadi , isagoo madax-dhaqmeedka u soo jeediyey hadalo dardaaran ah iyo sidii loo xoojin laha nabadgelyada gobolka Awdal, isagoo sidoo kale xusay in Madax-Dhaqameedku door weyn ka ciyaaran horumarinta nabad waarta, wuxuu inta ku daray in Gobolka Awdal yahay Gobalka Nabadgalyada Somaliland Cagaha u dhigay .

Bandhige@gmail.com