Wasaaradda Beeraha oo Siidh iyo Agab kale u Qaybisay Beeralayda Holhol iyo Aw-barkhadle

Qore Khadar M .Xaashi

Boorama (Dawan) Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL, ayaa Siidh, agabka beeraha iyo Qarbadada biyaha qabta u qaybisay beeralayda Holho ee degmada Borama iyo Aw barkhadle ee degmada Hargeysa.

Siidhka, Qarbadada qabta biyaha iyo Agabyada kale, ayaa loogu talo-galay inay ka faa’idaystaan Beeralayda loo qaybiyey.

Wasaaradda Beeraha, ayaa qaybinta agabyada lagu taageeray Beeralayda waxay la kaashatay Mashruuca Barwaaqo oo Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland qayb ka tahay.

Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ayaa muddooyinkii u danbeeyay waday qorsheyaal ay ku horumarinayso adeegbixinta beeraleyda dalka.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com