Wasaaradda Beeraha Oo Uu Boorama Uga Furmay Shir Lagu Diyaarinayo Qorshaha Wax-qabad Ee 5 Sano Ee Soo Socda.

Boorama (WHB) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal uu uga furmay Shirkeeda sannadlaha ah.

Shirkan oo ay Wasaaradda Horumarinta Beeraha ku wehelinayaan Madaxda Hay’adda FAO oo ay wada-shaqayn leeyihiin, ayaa waxa lagu dersayaa, laguna diyaarinayaa Qorshe hawleedka 5 sano ee soo socda.

Qorshahan istaraatijiyadeed ee Wasaaraddu diyaarinayso, ayaa la jaan-qaadaya Qorshaha guud ee horumarinta Qaranka Somaliland (NDPIII).

Shirkan oo muhiim u ah Wasaaradda Beeraha iyo guud ahaan Qaranka isla-markaana soconaya 27 – 28-ka July 2023, ayaa waxa Hoteelka Saw ee Boorama ka furay isla-markaana guddoominaya Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iman Warsame.

Waxa xusid mudan, inay shirka joogaan Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Beeraha, sida Agaasimaha guud iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda.
………………………………………………………………


Cabdiqaadir A. Carab
Madaxa Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland

Bandhige@gmail.com