Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxay ka warbixisay olole ay Dadka kaga wecyi-gelinayaan khatarta Xannuunka Covid-19

 

Ololahan oo ka socday dhamaan gobolad Somaliland oo maanta soo gaba-gaboobay waxa hadalo ka jeediyay Dr. Yuusuf oo ka mid ah dhakhaatiirta la shaqeeya wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland waxaana uu sheegay in baadhistan ay soo bilaabeen 14 diisambar iyaga oo soo maray dhamman gobollada Somaliladn maantana ay ku gebo gebayeen caasimadda Hargeysa, isagoo tilmaamay in dadka ay baadhayeen ay ahaayeen dadka aan iman cisbitaallada ee aan la xaqiijin in ay xanuunka Covid-19 qabaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay  in ay tageen lixda gobol  ee Somaliland olalahaasna ay ka soo fuliyeen.

Ugu dambayn wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri ayaa guud ahaan shacabka Somaliland u soo jeediyay inay ka feejignaadaan ahalista uu leeyahay xannuunka Corona-virus, kaas oo ku soo laba kacleeyay wadamo badan oo adduunka ah.

Xigasho: Wargeyska Dawaan

bandhige@gmail.com