Wasaaradda Ciyaaraha oo ka shiraysa dhammaystirka Dastuurka Xidhiidhka Kubadda Cagta

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa maanta laga furay shir lagu dhammaystirayey Dastuurka Xidhiidhka Kubadda Cagta oo hadda qabyo-qoraal ah.

Sida lagu baahiyey barta Facebook-ga ee Wasaaradda, kulankan waxa qabanqaabiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Axmed “Dhabbeeye” iyo xidhiidhka kubadda cagta oo gacan ka helaya dallada dhallinyarada ee SONYO. Wuxu socon doonaa saddex maalmood waxaana lagu naaqishayaa qabyo-qoraalka dastuurka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland.

Masuuliyiinta xidhiidhka, madaxda naadiyada kubadda cagta heerka koowaad, tabobareyaal iyo khubaro ku xeel-dheer kubadda cagta ayaa shirka ka-qayb-qaadanaya saddexda maalmood ee kulanku soconayo.

Xoghayaha xidhiidhka kubadda cagta Sacad Maxamed Shire oo furitaankii shirka ka hadlay wuxu ku dheeraaday muhiimadda kulankooda oo ah in lala naaqisho qabyo-qoraalka dastuurka xidhiidhka kubadda cagta.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda cagta Cabdilaahi Khayre Cawaale “Gacal” iosaga oo uu tilmaamay in qabyo-qoraalka dastuurka ay soo ban-dhigeen aanu ahayn mid rasmi ah laakiin uu yahay mid laga doodayo oo la isla ogaalaanayo la iskuna waafaqo wixii laga beddelayo iyo wixii lagu soo kordhinayo, kuwaas oo waafaqsan XCidhiidhada Kubadda Cagta ee CECAFA, CAF iyo FIFA.

Wasaaradda Ciyaaraha
Wasaaradda Ciyaaruhaha iyo Xidhiidhka Kubadda Cagtu waa ay ku dedaalayaan dhammaystirka Dastuurka qabyo-qoraalka ah

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil ayaa soo dhaweeyay qabyo qoraalka dastuurka lagu maamulayo kubadda cagta Somaliland, waxaana uu sheegay inay ka wasaarad ahaan ay ku faraxsan yihiin ayna tahay wax weyn in khubarada aqoonta u leh kubadda cagta ay fikirkooda, aqoontooda, maskaxdooda iyo waayo aragnimadooda ay geliyaan dastuurkan xidhiidhka kubadda cagtu ay soo diyaariyeen.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay kulankana furay Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaana uu tilmaamay inay tahay guul weyn oo lagu amaano masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, ayna ka wasaarad ahaan ay soo dhaweynayaan.

“Sida aynu la socono xidhiidhka kubadda cagta waa hay’ad qaran oo madax bannaan oo qaabilsan guud ahaanba kubadda cagta Somaliland. Waddankeena marka aad eegto ma jiro dastuur u yaal xidhiidhada kala duwan ee jira laakiin waa wax fiican maanta in taas laga hawl-galayo” ayuu yidhi Dhabbeeye.

Dhabbeeye wuxu intaa ku diray in xidhiidhku u madax banaanaanayo asaaskiisa, shaqadiisa maalin walba,  fikirkiisa iyo horumarkiisa laakiin uu ku soconayo siyaasadda qaranka.

Qabyo qoraalkan la soo ban-dhigay ayaa ka kooban 81 qodob, waxaana loogu talo galay in la ansixiyo 16-ka Sebtember ee sannadkan, halkan uu dhaqan-geli doono 16-ka January 2016-ka.

Bandhige@gmail.com