Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo shaacisay Tartan Caalamiya Oo Dalka ka qabsoomi doona

Maxamed Nuux Jibriil agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa sheegay in tartankaas ay ka soo qayb-gali doonaan sagaal wadan, oo ay qaban-qaabadiisa leedahay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaarahu.

 

Maxamed Xasan Nageeye xoghayaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa sheegay in dhalinyarada rabta inay tarkankaas orodka ah ka qayb-galaan ay u furan tahay, iyagoo iska diiwaan gelin doona wasaaradda.

 

Ugu dambayn  wasiirka  dhalinyarada  iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in tartankaas oo ah mid dhanka orodka ahi uu si rasmi ah u bilaabmi doono maalinta Jimcaha ah 13 bishan, kana kooban yahay  saddex qaybood oo kala ah (Have maratone), toban kiiloo miltir iyo shan kiiloo mitir oo ay ku tartami doonaan orodyahano hablo ah. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in tartankaas ay baahin doonaan warbaahin caalami ah, taas oo qaranka waxtar u ah, wasiir Boos wuxuu xusay in loo baahan yahay in shacabka Somaliland ay soo dheeeyaan orodyahanada caalamiga iyo kuwa reer Somaliland ee tartankaas ka qayb-gali doona.

Hoos ka daawo muuqaalka:

Xigasho: SOLNA