Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada JSL ayaa qabatay aqoon-is-weydaarsi…

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada JSL ayaa qabatay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan u qareemidda iyo u doodida Cimilada iyo deegaanka.

Aqoon-is-weydaarsigan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxa furay Agaasimaha Waaxda Isbadelka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Aadan Axmed Xasan, waxaana ka soo qayb-galay qaar ka mid ah guddida kheyraadka dabiiciga ah, Deegaanka iyo Tamarta ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, wasaaradaha ka shaqeeya kheyraadka dabiiciga ah , haayadaha maxaliga ah, kuwa caalamiga ah, Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa iyo sidoo kale qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka.

Ujeedada aqoon iswaydaarsigan ayaa ah in ay ka qayb galayaashu fahmaan caddaaladd u helida saamaynta Isbedelka Cimilada iyo in Siyaasad dejiyaashu Qorshahoooda ku daraan la tacaalida Isbedelka Cimilada.