Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa shaacisay in ay dhir kala duwan u qaybin doonto gobollada iyo degmooyinka dalka.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa shaacisay in ay dhir kala duwan u qaybin doonto gobollada iyo degmooyinka dalka

Axmed Ibraahim Warsame, oo ah Agaasimaha Waaxda Dhirta iyo Daaqa ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa sheegay in la diyaariyay 200,000 oo geed, kuwaas isugu jira calafkii xoolaha, kuwa hadhka iyo kuwa lagu beeraayey dhirta nabaad guurtay.

Agaasime Axmed Ibraahim Warsame waxa uu sheegay in ay dhirtani diyaar ku yihiin dhammaan goboladda dalka, waxaanu usoo jeediyey shacabka Somaliland in ay dhirtan ka faa’iidaystaan, isla markaana ay beeraan xili roobaadkan.

Agaasimaha Waaxda Dhirta iyo Daaqu waxa uu intaas ku daray in saddexda cisho ee toddobaadka ugu soo horeeya ay u shaqaynayaan degmooyinka Hargeysa iyo xawaaxigeeda ah waxaanu ku booriyey in ay degmooyinku soo qaataan gaadiidkooda iyo warqad cadaynaysa in gaadhigaasi degmadaas ka socdo.

Gaba-gabadii waxa uu xusay in maalmaha Salaasadda, Arbaca iyo Khamiistana ay iman doonaan wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee dawladdu, kuwaas oo qaadan doona dhirta loogu talo galay, halka toddobaadka dambe bilawgiisa oo Sabtida iyo Axad ah loo shaqayn doono dadweynaha caadiga