Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisku waxay qabatay tartan lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Nabada

Wasaaradda dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska aayaa xustay maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay Nabada adduunka oo ay ku xustay kulan ciyaareed kubadda cagta ah oo dhex martay laba kooxood oo heerka labaad ah.

Xuskan maalinta Nabada adduunka ayaa waxa wasaaradda ciyaaraha ku weheliyay hay’adda Qaramada Midoobay ee carruurta.

Kulan ciyaareedkan ayaa waxa uu ka dhacay garoonka kubadda cagta Tareedhiska.

Kulankan xuska ah oo ay wada ciyaareen labada kooxood ee Siiko iyo Spanish oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee caasimadda.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal), waxaana uu uga mahad-celiyey si wada jir ah wasaaradda ciyaaraha iyo hay’adda Unicef oo uu xusay inay muhiim tahay in maalmaha noocan oo kale in kulamo noocan ah la qabto.

Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil ayaa isaguna soo dhaweeyay kulankan waxaana uu uga mahad-naqay cid kasta oo gacan ka gaysatay kulan ciyaareedkan xuska ah.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay si la mid ah uga mahad-naqay hay’adda Unicef qeybta muhiimka ah ee ay ka qaadatay xuska maalintan.

Sidoo kale wax aka hadlay Agaasimaha waaxda Dhallinyarada ee wasaaradda ciyaaraha Cumar Cali Cabdi (Sayid Cumar), waxaana uu sidoo kale ku dheeraaday dhallinyarada iyo qeybta ay kaga jiraan mujtamaca, waxaan hadaladiisii ka mid ahaa:

“Waxa sharaf noo ah in aan idinkala soo qeyb-galno xuska maalinta dunidu u asteysay Nabada taas oo aynu dal ahaan inaguna aynu qeyb ka nahay yihiin dalalka dunida ee maalintan xusaya, ugu horeyn waxaan halkan uga mahadnaqayaa hay’adda Unicef oo qeyb muhiim ah nagala qaadatay xuskan, iyo sidoo kale xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo iyaguna kulankan soo qaban-qaabiyey.”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:

“Ujeedada ugu weyni waa inaynu dhallinyaradeena tusno inay Nabadu tahay wax aad u muhiim ah oo haddii aanay nabadi jirina aanay nololi jiri doonin.”

Gabagabadii ciyaartan ayey guushu raacday kooxda ku ciyaaraysay Siiko 1:0, oo lagu gudoonsiiyey koobkii lagu xusayey Nabada.

Ciyaaraha 2 Ciyaaraha 3

bandhige@gmail.com