Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo Qabatay kulan lagaga hadlayo Waddaniyadda

 

Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo  Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa furay kulan  socon doona muddo labo cisho ah oo  lagaga hadlayo Waddaniyadda.

Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo hadal  ka  jeediyay furitaankii kulankas ayaa sheegay in   Waddaniyaddu  muhiim u tahay in qofku  aamino waddankiisa ,waxaaanu intaa ku  daray in ay tahay in lala   dareen noqdo Ciidamada qaranka ee ku  sugan  jiida  hore.

Cabdirashiid Caydiid  oo Arimahaa   ka  hadlayayna.Waxa  uu  yidhi”Waddaniyadu waa  waxyaabaha ugu  muhiimsan ee qofku  aamino wadankiisa in uu jeclaado oo uu ku  faamo,waxaanay macno  samaynaysaa waddaniyadu  marka aad tagto waddan aan    wadankaaga ahayn ee aad ogaato halka aad tagtay in aad marti ku tahay waddaniyadii  innaga waxa  halkeedii  inoogu  jirta qabyaalad.Waddaniyadu muhiim ayay u tahay  dalkeena.waxaana ku socda  duulaan dalkeena cadaw  dibada   kaga yimi Gobolada bariga. waana in  Ciidanka  qaranka aynu la  dareen  noqoono oo  aynu  garab istaagno,taas  ayaa  muhiim ah,marka  la  hadlayana waa in si  dawladnimo  loo  hadlo ee aan si  qabiil   loo  hadlin meeshana  ma qabato hdaal qabiil .markaa waa  in la xoojiyo  waddaniyadda cidda  xoojinaysaa waa  dhallinyarada,”.

bandhige@gmail.com