Wasaaradda Duulista Hawada ayaa Wasaarada Macdanta iyo Tamarta ku wareejisay macdan lagu qabtay Maddaarka Cigaal

Wasaaradda Duulista iyo Hawada ayaa Wasaarada Macdanta iyo Tamarta ku wareejisay 302KG oo dhagaxaan macdan ah, kuwaasi oo ay gacanta ku dhigeen qaybaha amaanka ee madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Dhagxaantan macdanta ah ayaa waxa maanta la wareegay Agaasimaha Waaxda Macdanta ee Wasaaradda Macdanta Eng. Ibaahim Shire Maxamed, waxana ku wareejiyey maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Munaasibad kooban oo lagu kala wareegayey agabkaasi ayaa waxa ka hadlay Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo yidhi

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/08/2005,-ka waxaanu 302 Kg (Sadex Boqol Iyo Laba Kiiloo Garaam) oo macdan ah, ku wareejinayaa Wasaarada Macdanta, waxaanu qabanay mudadii labada sano ahayad ee ugu danbeeysay, 2014 ilaa 2015.”

Maamulaha Madaarka ayaa sidoo kalen intaasi ku daray:

“Macdanta waxa qabtay hawl-wadeeedna ammaanka ee madaarka Cigaal, tani waxa ay muujinaysaa in Hay’addaha Dawladu ay isku xidhan yihiin, oo Hay’add waliba shaqo gaar ah qaabilsan tahay, midi ay Duulimaadyadda qaabilsan tahay, mid ay Macdanaha qaabilsan tahay, hadana Dawlad ahaan wada shaqaynta naga dhaxaysaa, in ay tahay mid aad iyo aad u xoogan oo aanu wada shaqaynayno oo aanu nahay Tiim ama laamo Geed qudha ka wada baxay.”

Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Macdanta ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Eng. Ibaahim Shire Maxamed oo Wasaaradda Duulista ku amaanay dadaalka ay samaysay waxaanu yidhi:

“Maanta waxaan kala wareegayaa maamulka Madaarka 302Kg (Sadex Boqol Iyo Laba Kiiiloo Garaam) oo Macadan kala duwan ah, mid Dhagax ah Iyo Mid Ciidaba, taas waxaa keenay Dadkakan inta ay iska soo qaataan Macdanta ay doonayaan inay Madaarka iyo sharciga dhaafiayaan.”

Waxa kale oo uu intaas ku daray:

“Ninka doonaya in uu Macdan dibedda u qaadoow, waxaa waajib kugu ah, in aad soo martid marka hore Wasaaradda Macdanta, oo aad ka soo qaadatid warqada dhoofinta. warqada dhoofinta hadii aanad sidan oo aad istidhaado halkan la mar waa lagaa qaadayaa macdanta, macdanta halkan lagu qabto mid dib loo celinayaa ma jirto, waayo markii hore ayey sharci darro ku soconaysay, macadantaa Wasaaradda ayaa lagu wareejinayaa halkaas ayaa lagaga shaqynayaa, haday wanaagsanayd iyo haday xumaydba.”

Agaasimaha Macdanta ayaa sidoo kalena intaasi ku daray:

“ Inta badan waxaanu doonaynaa oo aanu ka codsanaynaa dadkaa, dadweynaha dhoofaya in ay macdanta ay sitaan ay soo mariyaan kadinka wanaagsan, Albaabka danbe ha ka soo galina ka hore ka soo gala, waa laydiin sii daynayaa markaa, hadii aanad warqadaa sidana waxa ay ku danbaynaysaa, sida taa maanta 302Kg oo macdan ah oo dad laga reebay, nin loo celinayaana ma jiro macdantaa, macdantaa Wasaaradda ayaa lagu wareejinaya.”

Macdanta ayaa noqonaysa macdantii ugu horeysa ee lagu wareerijeyey wasaaradda macdan oo lagu qabtey madaarka Cigaal.

macdan

bandhige@gmail.com