Wasaaradda gaadiidka JSL ayaa shaacisay in ay dhistay 185 KM oo ka mid ah waddada Ceerigaabo oo dhererkeedu dhan yahay 274 KM

Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland ayaa shaacisay in ay dhistay 185 KM oo ka mid ah waddada magaalada Ceerigaabo taas oo dhererkeedu dhan yahay 274 KM.

94 KM xukuumaddii Siilaanyo, ayaa dhistay halka 91 KM xukuumadda Biixi, dhistay sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Sayid Cumar Cabdilaahi.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in sannadka 2020-ka ay dhammaato waddadu.

“Waxaanu ku rajo waynahay in Sanadka 2020, ay wadadaasi dhamaan doonto insha alaah”

Dhismaha Waddada  Ceerigaabo ayaa ka mid ah mashaariicda ugu muhiimsan ee Xukuumadda Kulmiye waddo.