Wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL Iyo wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa maanta ka shiray sidii loo astaynlaha dhulka ay mari doonaan xadhkaha laydhka ee u kala gudbaya magaalooyinka Somaliland.

Wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL Iyo wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa maanta ka shiray sidii loo astaynlaha dhulka ay mari doonaan xadhkaha laydhka ee u kala gudbaya magaalooyinka Somaliland

Kulanka labada wasaaraddood ayaa ka qabsoomay xarunta wasaaradda hawlaha, waxaa shir guddoomiyay agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, waxaana kulan ka qaybgalay agaasimaha Waaxda Naqshadaynta Magaalooyinka Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Aar, iyo agaasime waaxeedyo ka socday wasaaradda tamarta.

Mudadii kulanku socday waxa lagu lafa-guray sidii loo helilahaa dhul ku habboon in ay maraan laydhadhka iskaga gudbaya Magaalooyinka Dalka.

Gaba-gabadii waxaa kulankaasi la isku-afgartay in wasaaraddaha hawlaha guud iyo macdanta iyo tamartu kawada shaqeeyaan sidii wasaaradda Macdanta iyo Tamartu uheli lahayd dhul u astaysan isku-gudubka laydhadhka, isla markaana leh naqshadihii dhulalka uu mari doono laydhadhkaasi u kala gudbaya magaalooyinka waa weyn ee JSL.