Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa deegaano ka mid ah Gobollada Saaxil iyo Togdheer ka buufiyey xasharaadka dhibaateeya Wax soo-saarka Beeraha.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa deegaano ka mid ah Gobollada Saaxil iyo Togdheer ka buufiyey xasharaadka dhibaateeya Wax soo-saarka Beeraha.

Hawl-wadeennada Waaxda Bedbaadada Beeraha oo adeegsanaya gaadiidka uu ku rakiban yahay qalabka Beeraha lagaga buufiyo Ayaxa, Diirta iyo Xasharaadka kale, ayaa hawl-gal buufin ah ka sameeyay dhul badan oo ka mid ah dhul-bereedka Gobollada Saaxil iyo Togdheer, ka dib markii ay Beeralaydu ka socotay Wasaaradda in laga buufiyo xasharaadka wax soo-saarka waxyeeleeya.

Hawsha buufinta oo socotay Muddo Toddobaad ah, ayaa dhul beereed badan oo ka mid ah Saaxil iyo Togdheer lagaga sifeeyay xasharaadka Beeralaydu ka cabatay.

Hawsha buufinta, ayaa waxa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Hawl-wadeenadeeda uga Mahad-celiyey hawl-galkan.

Hawl-galkan oo daba socday kuwo hore looga sameeyay Gobolka Sanaag, ayaa kormeerayey Isku-duweyaasha Wasaaradda Beeraha ee Gobollada Togdheer Cabdirisaaq Cabdillaahi Iyo Ismaaciil.