Wasaaradda horumarinta Biyaha Jsl oo mashaariico hurumarineed ka daahfurtay Burco kuwo kalena dhagax dhigtay

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Jsl Saleebaan Koore ayaa maanta magaalada Burco ka daahfuray mashriico ka la duwan. Kuwaas oo ahaa kuwo Wasiirku Xadhiga laga jaray, qaar la dhax-dhigay, iyo qalab cusub oo loo keenay Wakaalada biyha degmada Burco. Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wafdigan uu hoggaaminayo ayaa saaka mashriicdan ka daah furay magaalada Burco.

Qalabkan ayaa wasaaradda biyaha Somaaliland ka sii amaahatay lacagtiisa Bangiga dhexe ee Jamhuuriyadda Somalaind. Wasiirka ayaa aad ugu mahad naqay Guddoomiyaha baanka dhexe Mudane Cali Baqdaadi oo xafldan goob joog ka ahaa.

Waxan sidoo kale mahad naq balaadhan loo jeediyey wakaalada biyaha degmda Burco. Wasiir Koore ayaa sheegay in wasaaradda biyahu uu halbeegeedu yahay horumar iyo hiigsi aan halmaaam lahyn.

Halkan ka daawo muuqaalka warkan: