Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda SOS oo is kaashanaya ayaa maanta xanaanada malowle ee Magaalada Hargeysa ka daahfuray adeegyo

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda SOS oo is kaashanaya ayaa maanta xanaanada malowle ee Magaalada Hargeysa ka daahfuray adeegyo loo qabaanayey dadka la nool xanuunka macaanka sida la socodka heerka uu marayo iyo Sidoo kale si loo siiyo meeshinada macaanka iyo taloooyin Caafimaad oo kala duwaan kuwaaso lagaga hortago xanuunka macanka.

Mashrucan wacyi galinta xanuunka macaanka oo socon doons muddo 7-cisho ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Haayadda SOS dhakhatiir, Maamulka kaamka Malawle mudan iyo marti sharaf kale.
ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay oo ka warbixiyay hawshan iyo Ujeedooyinka laga leeyahay dhakhaatirtii bixinaysay Wacyigelinta iyagoo bulshadda kaamka malowle ugu baaqay inay ka faa’idaystaan inta uu ololahani socdo si loo ogaado xaaladoda Caafimaad ee dhanka Macaanka taaso ay diyaar ugu yihiin goobta dhakhaatiir samaynaysa baadhitaano Sidoo kalalana Bixinaysa talooyin Caafimaad.

Sidoo kale waxaa halkaa hadalka iska daba qaatay Masuuliintii ka ka ka socday Wasaaradda iyo Hay’adda SOS iyagoo bulshadda Kaamka malawle kula dardaarmay inay ka faa,idaystaaan mashruucan, Sidoo kalana la shaqeeyaan shaqaalaha Caafimaadka ee u adeegaya.