Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa haayaddaha WHO iyo UNICEF ayaa magaalada Hargaysa ka Furtay…..

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa haayaddaha WHO iyo UNICEF ayaa magaalada Hargaysa ka Furtay Tababarka tababarayaasha ee Qorshaha talaalka xanuunka dabaysha wareegiisa 2aad.

Tababarkan oo socon doona mudo saddex maalmood ah ayaa waxa kasoo qaybgalay masuuliyiinta talaalka ee heer qaran, heer gobol iyo heer dagmo ee dhamaan goboladda dalka.

Maareyaha talaalka heer qaran ee Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka Somaliland Axmed Cbdi Jaamac, sidoo kale waxaa halkaa ka hadashay maryan ducaale oo ku hadlaysay afka haayadda Cafimaadka aduunka WHO oo dhankeeda ka warantay muhiimada tababarkan.

Mr. Daniel oo isna ka socday haayadda UNICEF ayaa xusay inay marwalba diyaar u yihiin inay wasaaradda kala shaqeeyaan Tababaradda Noocan oo kale ah.

Agaasimaha waaxda Caafimaadka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mahdi Daahir Bahdoon, oo tabobarkaas si rasmi ah u furay ayaa sheegay in tababarkani yahay markii u horaysay ee dad tiradda intaa leegi ka soo qayb-galaan, waxaanuu dhamaan masuuliyiinta talaalka ee tababarkan qaadanaya kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan mudada uu tababarkani socdo, dibna ugu celiyaan aqoonta ay qaadanayaan goboladii iyo dagmooyinkii ay ka yimaadeen.