Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay soo saartay ganaaxa baadhitaanka badqabka gaadiidka

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire, ayaa Digreeto Wasiir oo ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu ku go’aamiyay Go’aanka Ganaaxa Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka. Kaasi oo dhignaa in haddii la qabto Gaadiidka aan haysan warqadda Bad-qabka Gaadiidka sida waafaqsan Xeerka Gaadiidka, in la marin doono tallaabo waafaqsan sharciga oo u dhigan sidan:
Toddobaadka 1aad waxa laga qaadi doonaa ganaax lacageed oo dhan 30,000 SLSH (Soddon Kun oo Shilin Somalilaan).
Maalinta Toddabada cisho ay ka soo wareegto isaga oo aan qaadan waraaqda Bad-qabka waxa laga qaadi doonaa Ganaax Lacageed oo dhan 60,000 SLSH (Lixdan Kun oo Shilin Somalilaan).
Maalinta Afar iyo Toban Cisho (14 cisho) ay ka soo wareegaan isaga oo aan qaadan waraaqda Bad-qabka waxa laga qaadi doonaa Ganaax Lacageed oo dhan 120,000 SLSH (Boqol iyo Labaatan Kun oo Shilin Somalilaan).
Haddaba Muwaadin Xeerkan oo Wasaaradda Gaadiidku hore uga soo saartay wareegto iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda qaran wareegtadaasi oo ku sumadaysnayd WG&HJ/XW/W-01/52.01/2021 kuna eekayd 31-March-2021, taasi oo muwaadin kasta ku waajibinaysa inuu Gaadiidkiisamariyo (BBG) Baadhitaanka Badqabka Gaadiidka si aanay ugu dhicin Ganaaxyadaasi aynu kor kusoo xusnay.
Allaa Mahadeh.
@Xafiiska Xidhiidhka iyo Warbaahinta WG&HJ.