Wasaaradda Qorshayntu waxay soo dhawaysay Khadar Maxamed Gahayr oo guul ka soo hooyey Jaamacadda Yıldız Technical University ee Turkiga

Khadar Maxamed Gahayr oo ka mid ahaa ardaydii reer Somaliland ee deeqda waxbarasho ka helay dalka Turkiga, kana mid noqday 20ka arday ee ugu sarreeya ardaydii ka qalin jebisay Jaamacadda Yıldız Technical University oo Madaxweyne Turkiga Rajab Dayib Erdogaan shahaadadda Guddoonsiiyey ayaa waxa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey wasaaradda Qorshaynta Qaran oo hore uga mida ahaa shaqaalaheeda.

Xaflada soo dhaweynta Khadar Maxamed Gahayr ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri, Wasiir-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cabdirashiid.

Ugu horey waxa ka hadlay xaflada soo dhaweynta Khadar Maxamed Gahayr Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri waxaana hadalkiisi ka mid ahaa:

“Aad ayey qiimo iyo sharaf noogu tahay hadaanu nahay bahda Jaamacadda Hargeysa in uu aqoonyahan Khadar Maxamed Gahayr ka marag kacayo waxqabadka iyo dedaalka Jaamacadda, runtiina ilaahay ayaa mahadleh iyo waalidkii soo barbaariyey iyo macalinimiintii wax soo baray, isagana waxaanu leenahay waad asiibtay goolkii ee ilaahay ha kugu garab galo if iyo aakhiraba, jaamacadda Hargeysana waa Jaamacadda ugu weyn qaranka Somaliland, waxaana dhigta in ku dhow 6000 oo Arday.”

Waxa kale ka hadlay munaasibadan wasiir-xigeenka waxbarashada Cabdirashiid waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Wasaaradda Waxbarashada waxay si gaar ah ugu faanaysaa oo ay soo dhawaynaysaa guusha uu soo hooyey Khadar Maxamed Gahayr, waanan ku faanaynaa, baal dahab ahna waanu ku qori doonaa, waxaanan dhallinyaradda leeyahay qof waliba waa halka uu hankiisii dhigo, waxaanad ku dedaashaan inaad han sare yeelataan, ardayda noocaas ah ee guulaha waxbarashada ka soo hooyey dalalka hore-u-maray taas oo ay ku kulmeen arday kala duwan oo meelo kala duwan wax ku soo bartay, ardaydii halkan wax ku baratayna in kaalmaha hore galaan waa wax lagu faano, Khadarna waxaan leeyahay halkaas ha ku joojin ee sii wad waxbarashada.”

Sidoo kale waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:

“Waxa Mahadnaq inaga mudan ummadda waddanka Turkiga iyo Jaamacaddii ina siisey fursadan waxbarasho, waxa kale oo mahadnaq iska leh Jaamacadda Hargeysa iyo macalimiintii u dedaalay muddadii uu Jaamacadda dhiganaayey, Khadar waxa uu yahay tusaale, waxaanay dhiiri gelin u tahay dhallinyaradda inteeda kale sidii ay waxbarashada ugu dedaali lahaayeen, una aragto haddii qoflu dedaalo in uu gaadhi karo meel kasta oo uu doonayo.”

Ugu danbayntii waxa munaasibadan ka hadlay Khadar Maxamed Gahayr ayaa ka mahad celiyey munaasibadan lagu soo dhaweeyey ee ku sharaftay Wasaaradda Qorsheyntu. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Marka hore waxaan u mahadnaqayaa ciskasta oo gacan ka gaysatay xafladan, marka labaad waxaan soo jeedin lahaaa in waddanka xarumo cilmi baadhis laga sameeyo oo dal wax badan u qabta.”

Khadar ayaa ka mid ardayda tirada yar ee guulo wax ku ool ah kazoo hooyey waxbarashada waddamada dibedda, Guushan Khadar gaadhay waxay tusaale u tahay in da’yarteenu ay gaadhi karaan meesha ay hiigsanayaan haddii ay helaan waxbarasho aasaasi ah oo wanaagsan iyo fursado qorshaysan waxayna sidoo kale ku-dayasho ugu filan tahay dhallinyarada beryahan dambe ku mamay tahriibka ee noloshooda halista geliya.

khadar gahayr Khadar Maxamed Gahayr 2

Halkan hoose war hore oo Bandhige ka qoray markii uu Erdogan Shahaadada gudoonsiiyey:

Arday reer Somaliland ah ayaa ku guulaystay inuu ka mid noqdo 20-ka arday ee ugu sarreeya Jaamacada Yıldız Technical University ee Turkiga

bandhige@gmail.com