Wasaaradda Qorshayntu waxay Ceerigaabo ku qabatay shirka la tashiga gobollada ee go’aaminta mudnaanaha Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo maalmihii ugu dambeeyey shirar ku qabanaysay goboollada lagu go’aaminayo arrimaha horumarinta ee gobol walba mudnaanta u ah ayaa maanta ku qabsoomay Ceerigaabo.

Waxa shirka ka soo qaybgalay masuuliyiinta kala duwan ee gobolka sanaag oo ay hor kacayaan Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Caalin Tiimbaro iyo Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur.

Shirkaas waxa warbixin kooban bartiisa Facebook ku daabacay Mubaarik Cabdillaahi Daljir oo ah Agaasimaha Qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

Waxa aanu magaalada CEERIGAABO ku qabanay shirka la tashiga gobollada ee go’aaminta mudnaanaha Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad, si loo fududeeyo fulintiisa. Wa qayb ka mida dedaallada maamul daadejinta iyo in talada hoosta lagasoo bilaabo. Waxa uu ahaa shir qiima badan oo wax ku ool ah. Waxa furay badhasaabka gobolka iyo mayor-ka CEERIGAABO, waxaana kasoo qayb galay dhammaan haydaha dowladda ee heer gobol.