Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jsl ayaa maanta abaal marino gudoon siisay shaqaalihii ugu wanaagsanaa 2019kii

Wasaarada shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland ayaa maanta abaal marino gudoon siisay shaqaalihi ugu wanaagsana sanadkii galbaday ee 2019.

Wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland agaasimaha guud ee wasaaradda iyo gudoomiyaha haayadda shaqaalaha dawlada ayaa maanta si rasmiya abaal marino iyo shahaadooyin u gudoon siiyay shaqaalihi ugu wanaagsana wasaaradda sanadkii tegey ee 2019.

Shaqaalaha oo laguso xushay hab dhaqankii shaqo ee sanadka iyo ilaalinta xiliyadda shaqo amase wakhti hawleedyada imaatinka shaqada iyo kartidooda ayaa ka koobna dhamaanba qaybaha kala duwan ee wasaaradda amase waaxaha wasaaradda.

Waxaana isla maanta dhankooda la abaal mariyay isu duwihi ugu wanaagsana wasaaradda.

Waxaana madashaas hadalo kooban kaso jeediyay wasiirka wasaaradda agaasimaha guud iyo gudoomiyaha haayadda shaqaalaha Soomaliland.

 

Alla mahadleh.

Xafiiska isgaadhsiinta tiknoolajiyadda iyo kaydka xogta.