Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo SONYO waxay wada jir ugu dhaawaaqeen go’aamadii Shirweynihii Shaqo-Abuurka Somaliland

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-geliinta,Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) iyo Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada SONYO Cabdicasiis Saciid Saalax ayaa waxya shalay galab Shir jaraa’id ku qabteen Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixisay qodobada ka soo baxay Shirweynihii heerka qaran ee Shaqo gelinta dhallinyaradda Somaliland ee Lagu soo gabo gabeeyay Magaaladda Hargaysa.

Wasiirka Waxaa Kulan warbaahineedkan ku wehelinayay Saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Shaqo-gelinta, Dalladda Dhallinyaradda Sonyo Iyo Hay’adda Save The Children.

Ugu horayn Agaasimaha Waaxda Shaqo gelinta ee Wasaaradda Shaqo gelinta iyo arrimaha Bulshadda Cabdilaahi Axmed Raabi oo halkaasi ka hadlay ayaa dhallinyaradda Somaliland waxa uu ugu baaqay inay aaminaan sidii ay dalkooda wax uga qabsan lahaayeen ”Dhallinyarooy dalkan idinka ayaa leh intaad odhan lahayd waddankayga ayaan shaqo ka la’ahay  Waxaa haboon inaad ka fikirto wixii aad dalkaaga u qaban karto,Marka halkaas fikirkaagu gaadho ayaad beegsan kartaa ummadaha hore u socday sida ay horumarka ku gaadheen” ayuu yidhi agaasimaha waaxda shaqo gelinta ee Wasaaradda Shaqo gelinta iyo arrimaha Bulshadu.

Sidoo kale Gudoomiyaha Dalladda Dhallinyaradda Somaliland ee Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax ayaa dhankiisa sheegay in Shirweynahan ay ka soo baxeen go’aamo wax ku ool ah oo wax weyn ka taraya Shaqo abuur loo sameeyo dhallinyaradda Somaliland ”Waxaan u sheegayaa dhallinyaradda Somaliland inuu inoo qabsoomay Shir guulaystay oo qodobo muhiim ahi ka soo baxeen isla markaana hagi doona ficilada la qabanayo Mudada u dhaxaysa Shirweynahan iyo ka ku xiga maadaama uu shirku yahay mid sanadle ah,Waxaa ka soo baxay in la sameeyo Axdi qarameed go’aamo badani ku yaalaan,Waxaa ka soo baxay in hawl qorsheed la sameeyo iyadoo la is fahamsiiyey dhamaan daneeyeyaasha shaqo abuurka dhallinyaradda Somaliland,Loo shaqeeyaha iyo dhamaanba Siyaasadihii arrimahaas kala hagayay”.

Wakiil ka Socday Hay’adda Save The Children oo lagu magacaabo Maxamud Maxamed Caqli oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadiisu sida ay uga go’an tahay in fursado shaqo loo abuuro dhallinyaradda Somaliland, Waxaa kale oo uu ka hadlay doorka hay’adooda ee Shaqo abuurista da’a yarta Somaliland Isagoo Yidhi ”Hay’adda Save The Children ilaa 2006-dii waxay ka shaqaynaysay dhiirigelinta dhallinyaradda Somaliland ee dhinaca shaqo gelinta,Waxayna dhallinyarada u abuurtay xirfado ay ku shaqaysan karaan halkaasna kamana hadho ilaa dhallinyaradu helaan shaqo ay noloshooda ku maareeyaan,Wuxuuna shirweynahan la soo gabo gabeeyay iyo qodobada ka soo baxayba qayb ka yihiin  hawlaha ay Save The Children dawlada iyo qarankaba kala shaqayso”.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-geliinta,Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) oo Gunaanadkii Kulankaasi ka hadashay ayaa si qoto dheer u sharaxday Muhiimada uu lahaa Shirweynahan Shaqo abuurka Dhallinyaradda Somaliland ee lagu soo gabo gabeeyay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa,Waxayna Wasiiradu ku nuuxnuuxsatay sida ay Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ay uga go’an tahay Sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhallinyaradda Somaliland,Iyadoo hoosta ka xariiqday in Madaxweynuhu ku dhiiraday Samaynta Sanduuq dhaqaale oo u gaar ah shaqo abuurka dhallinyaradda Somaliland.

Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) Waxay kulankaas ka Shaacisay Go’aamada ka soo baxay Shirweynihii heerka qaran ee Shaqo abuurka dhallinyaradda Somaliland ee ka qabsoomay Hutel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa 29-kii Ilaa 30-kii bishii dhamaatay ee August isla markaana ay galabta soo baxeen Qodobadii laga gaadhay Shirweynahan Waxaana ka mid ahaa.

  1. Wasaaradda Shaqo gelintu iyadoo gacanta ku haysa dhamaan diiwaangelinta iyo tiro koobka Shaqaalaha ajaaniibta ah ee dalka joogta iyo Shaqooyinka ay hayaan intaba hadana waxaa la go’aamiyey in Shaqo uu qof Muwaadin ahi qaban karo aanu qabanin qof ajaanib ahi.
  2. Wasaaradda Shaqo-geliinta,Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland waxay diyaarisay shuruuc iyo siyaasado kala duwan kuwaas oo ay u aragto inay Suurto gal ka dhigayso inay shaqo helaan dhallinyaradda qaranka somaliland.
  3. In la Kobciyo Xidhiidhka ka dhexeeya hay’adaha maalgashiga,Shirkadaha iyo Companiyada si shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyaradda.
  4. Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Dallada Dhallinayaradda Somaliland ee Sonyo markii ay lafo gureen waxay Muhiim u arkeen in la isku xidho oo la mideeyo waxbarashadda ay bixiyso Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland iyo Farsamada gacanta ee Suuqyada shaqada ee qaranka Somaliland yaala.
  5. In la Xoojiyo sidii looga wada qayb qaadan lahaa Suuqyada Shaqo abuurka Somaliland.
  6. In Kor loo qaado ka qayb qaadashadda Dhallinyaradda ee khayraadka dabiiciga ah ee dalka Sida Kalluumaysiga,Beeraha,Xoolaha nool,Macdanaha Sida darteed waa in dhallinyaradda laga Maalgeliyo Sanduuqii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu u furay dhallinyaradda Waana in Deeq bixiyeyaasha,Hay’adaha Caalamiga ah, Ganacsatada iyo Shirkadaha kala duwaniba ay ka qayb qaataan hirgelinta amuurtan.
  7. Wasaaradda Shaqo gelinta,Arrimaha Bulshada iyo qoyska Somaliland waxay isu xil qaantay iyadoo waajibaadkeeda dastuuriga ah gudanaysa inay Tiro koob ku samayso shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland maadaama la Tiro koobay Shaqaalaha dawlada si loo ogaado Tirada dhallinyarada ee qaan gaadhka ah ee aan shaqo hayn.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta,Arrimaha Bulshadda Iyo Qoyska Somaliland Waxay Gunaanadkii Hadalkeeda baaq u dirtay Ganacsatada iyo Shirkadaha Somaliland ka hawl gala waxayna tidhi ”Dhamaan Ganacsatada waaweyn ee dalka iyo Shirkadaha kala duwan ee waddanka ka hawl gala waxaan ugu baaqayaa inay ka qayb qaataan oo Meel mariyaan Shuruucda uu Madaxweynuhu qaatay ee Wasaaradda Shaqo gelinta,Arrimaha Bulshada iyo qoysku gacan yaraha uga tahay ee ku wajahan shaqo abuurka dhallinyaradda”.

bandhige@gmail.com