Wasaaradda Tamarta oo qabatay Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan mashruuca soo-kabashada Aagga korantada Somaliland

Kulanka Wadatashiga Dadweynaha Ee Qiimaynta Khatarta Deegaanka iyo Bulshada Ee Mashrruuca Soo-kabashada aagga Korantada Somaliland, ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa, kaasoo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa Baanka Adduunka iyo Komishanka Korantada Qaranka
Kulankan oo qabsoomay 28.4.2021, ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta , Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha Arrimaha bulshada, Cadaalada iyo Deegaanka iyo horumarinta reer guuraaga, Guddoomiyaha Komishanka Korantada Qaranka, Xubno ka socday Ururka Shirkaddaha korantada Jamhuuriyadda Somaliland, madaxda waaxyaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Sharci-yaqaano iyo marti-sharaf kale oo ka socday qaybaha Bulshada Somaliland.
Kulankan oo ujeedadiisu tahay sidii wada tashi looga yeellan lahaa dib u habaynta iyo hirgelinta adeeg koranto oo leh bad-qab iyo koobis baahiyeed oo adeegga ah, isla markaana qayb ka ah Mashruuca Soo-Kabashada Aaga Korntada Somaliland, ayaa waxa intii uu socday hadallo ka jeediyey masuuliyiinta ka kala socday hay’addaha kala duwan ee Qaranka ee ka soo qaybgalay kulanka.
Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Liibaan Xaaji Maxamuud oo ugu horayn halkaasi ka hadlay, ayaa ka soo qaybgaleyaasha sharaxaad ka siiyey ahmiyadda kulankan daah-furka mashruuca “Soo-Kabashada Aaga Korntada Somaliland”.
Waxa uu tilmaamay in mashruucani wax badan ka tari doono horumarinta Tamarta koranto ee Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana wasaaraddu wakhti dheer dedaal iyo juhdi gelisay sidii dalka loo keeni lahaa Mashruucan.
“mashruuca marka la fulinayo waxa loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo deegaankeena wax yeellaya”
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga waramay faa’idooyinka uu mashruucan leeyahay, isagoo xusay in muhiimadda laga leeyahay ay tahay sidii loo heli lahaa adeeg koranto oo ku jaan-go’an hab-nololeedka bulsho iyo dhaqan-dhaqaale.
Wasiirku waxa uu sheegay in maal-gelinta mashruucani xoogga saari doono sidii Shirkaddaha adeegyada Korantada bixiya looga gacan siin lahaa balaadhinta qaybinta Korantada, sidoo kalena adeeg koranto oo ku filan lagu gaadhsiin lahaa goobaha waxbarashada, Caafimaadka iyo Xafiisyaha Biyaha.
“Waa Mashruuc loogu talgalay ina lagaga soo kabto dhinaca Korantada, Xukumaddu iyada oo ka duulaysa waxay dedaal dheer u gashay sidii Somaaliland loo keeni lahaa”ayuu yidhi Wasiir Jaamac.
Wasiirku wuxuu aad ugu mahad-naqay Baanka Adduunka oo mashruucan maal-gelinaya, waxaanu ka soo qaybgaleyaasha kula dardaarmay inay si hagar la’aan uga qayb-qaataan wada-tashiga lagu gorfeynayo ka faa’idaysiga Mashruucan iyo yaraynta Khataraha korantada.
Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Qaranka Axmed Faarax Cadare oo halkaasi ka haday ayaa dhankiisa soo dhaweeyey mashruucan, waxaanu tilmaamay inuu noqon doono mid faaa’idooyin badan bulshadu ka hesho.
Guddoomiyuhu waxa uu balanqaaday inay Komishan ahaan doorka kaga aaddan si buuxda gacan uga geysanayaan, wasaaraddana ku garab istaagi doonaan sidii looga midho-dhalin lahaa.
“Korantadu waa Iftiinka adduunka, caalamkuna wuxuu u socdaa sidii Korantado looga dhalin lahaa waxyaabaha dabeeciga ah, sida Cadceeda.
Wada-tashiga waxa loo baahan yahay inay inooga soo baxaan wax umadda wada anfaca oo masxkada la tuujiyo’ayuu yidhi Guddoomiye Cadare.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani wax ka tarayo yaraynta dhibaatada deegaanka uu ku hayo wasakhowga ka dhasha qalabka ay isticmaalaan Shirkaddaha Korantadu.
“sida dunida Kale Koranteena waxa soo aasaasay shirkaddaha gaarka loo leeyahay. Koranteena waxa laga dhaliyaa Shidaal, taasina waxa ay hawada ku sii daysaa Wasakh badan.
markaa waxyaabaha ay sababtay waxa kamida isbedelka cimillada.
beryahan dambe adduunku wuxuu aad ugu wareegayaa Tamarta cimilada la saaxiibka ah, sidaasi awgeed mashruucani wuxuu wax ka tarayaa

Agaasimaha guud ee Shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdirashiid Cabdiraxmaan Sh. Ibraahim oo kulanka isna ka hadlay, ayaa iftiimiyey baahiyaha loo qabo ka faa’iaysiga tamarta dabeeciga ah ee dalka “farxad iyo reyn reyan weeye haddii maaanta Wasaaradda Tamartu inoo soo diyaarisay sidii aynu dedaal u gelin lahayn tamarteena. caqabadaha haysta ganacsigeena ee ay la tacaalaan shirkaddu waxa kamid Laydhka, markaa mashruucani waa mid kamida mashaariicda waaweyn ee dalkeena ka socda oo u baahan in fulintiisa la dhamaystiro”
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda Cabdiraxmaan Sh. Xasan Ismaaciil, ayaa dhinaciisa hoga-tusaaleeyey muhiimadda uu bulshada danyarta ah u leeyahay hirgelinta adeeg koranto oo qiimo jaban iyo bad qab leh “Adeegga Korantada. adeeg bixiyaha iyo adeeg heluhuba waa inay cadaalad helaan. mashruucan waxa ay bulshada danyarta ahi ka faa’idi doontaa koranto jaban ”
Xoghayaha Ururka Shirkaddaha Korantada Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan Faarax oo isna shirkan ka jeediyey kelmado ku wajahan doorka ay adeeg-bixiyeyaasha Korantu ka qaadan karaan fulinta mashruucan, ayaa ugu horayn si weyn u soo dhaweeyey barmaamujkan, waxaanu xusay inuu gacan ka siinayo Shirkaddaha balaadhinta dedaalka ay ugu jiraan sidii dadweynaha looga haqab-tiri lahaa tamarta Korantada.
“Markii u dambeeyey shirkadduhu waxay maalgelin ku sameeyeen Solar, Solar-kuna ma wada dabooli karo baahiyaha oo dhan. waxa runtii loo baahan yahay in mashruucani gacan naga siiyo”ayuu yidhi.
Kulankan ayaa intii uu socday waxa ay ka qaybgaleyaashu kaga doodeen faa’idooyinka Mashruucan, caqabadaha ka hor iman kara iyo sida looga gudbi karo.

Xigasho: Wargeyska Dawan

bandhige@gmail.com