Wasaaradda Warfaafinta oo ka galgalatay warbixintii guddida daba-galka hantiga qaranka

Wasaaradda Warfaafinta Qaranka ayaa barnaamij muuqaal kaga soo jawaabtay warbixintii Guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada ee Ilaalinta Hantida Qaranku soo bandhigeen horraantii bishan, taas oo guddidu ay ku muujiyeen in marka la eego dhaqaalaha miisaaniyadda ugu jira Wasaaradda Warfaafinta ay ahayd in gobollada dalka oo dhan ay Wasaaraddu ku faafto.

Hase ahaatee Wasiirka Warfaafinta oo xalay u soo jawaabay ayaa sheegay in Guddi-hoosaadka  Golaha Wakiillada ee Ilaalinta Hantida Qaranku aanay fahmin haylka iyo qaab-dhismeedka Wasaaradda Warfaafinta, sidaad daraadeedna ay warbixintoodu tahay mid aan sax ahayn.

Sidoo kale, filimkan Wasaaraddu soo duubtay wuxu ku eedeeyey Guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada ee Ilaalinta Hantida Qaranku in aanay dib ugu soo noqon Wasaaradda si ay wax uga waydiiyaan wixii ay su’aalo qabeen.

Hoos ka daawo muuqaalkan oo Wasaaradda Warfaafintu ay baahisay goor dambe oo xalay ahayd.