Wasaaradda Waxbarashada ayaa tabobar u bilawday 282 macalim oo wax ka dhiga dugsiyada hoose iyo dhexe

282 macalim oo wax ka dhiga dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe ee Hargeysa  ayaa waxbarasho dheeraad ah kasban doona inta ay fasaxa ku jiraan dugsiyadii ay wax ka dhigayeen. Sidaas waxa shaacisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Cilmi Geedoole oo Sabtidii ka hadlay furitaankii xafladda tabobarka ayaa sheegay sida ay muhiimka u tahay in Wasaaraddu kordhiso aqoonta macalimiinta wakhtiyada ay dugsiyadu fasaxa ku jiraan.

Munaasibadda furitaanka waxa kale oo goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Xasan iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Tacliinta.

Raxma Ibraahim Gadiid, Agaasimaha Dugsiyada Hoose-Dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in tabobarkani awood u siin doono tiro badan oo macalimiin ah in ay kalsooni ku dhigaan maadooyin badan oo lagu dhigo dugsiyada dhexe iyo kuwa hoose, isla markaana ay awood u yeelan doonaan in ay buuxiyaan xiisadaha mararka ay maqan yihiin macalimiina dhiggooda ah ama macalimiinta iyaga ka waayo-aragsanaa.

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Maxamed Xasan wuxu sheegay in maalinba ta ka dambaysa ay aad u dhismayso waxbarashadu laakiin loo baahan yahay in laga gudbo tirada oo hadda wixii ka dambeeya loo gudbo waxbarasho tayo leh, taasina ay tahay sababta ay tabobarkan maanta u fureen.

Waxaa iyaguna ka hadlay macalimiintii tabark qadanaysay ayaa soo dhaweyay tababarkan, balan qadayna in ay ka faa’iidaysan doonaan tabobarkan.

Wasiirka Waxbarashada Faarax Geedoole oo gunaanaday xafladdii furitaanka tabobarka ayaa sheegay in macalimiintu aanay lacag badan qaadan laakiin ay muhiim tahay in ay qaataan tabobaro badan si ay aqoontooda u sii kobciyaan. Wasiirku wuxu sheegay in macalimiinta lacagta ay qaataan ay kala weyn tahay waxa ay ummadda ku soo kordhinayaan iyo dedaalka ay ku jiraan ka-midho-dhalinteeda.

Bandhige@gmail.com