Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa maanta Agabka farsamada gacanta oo kala duwan ka guddoomay hay’ada caalamiga ah ee NRC

Hargaysa, January-6-2010-(WW&S)-Agaasinka hubinta tayada farsamada gacanta ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska (TVQA) Warda Maxamed Cali oo uu wehelinayo maamulaha dugsiga farsamada gacanta Hargaysa Md.Cabdicasiis Cige Rayaale ayaa maanta Agabka farsamada gacanta oo kala duwan ka guddoomay hay’ada caalamiga ah ee NRC.

Qalabkan ayey macallimiinta dugsiga farsamada gacanta magaalada Hargaysa u isticmaali doonaan in ay wax ku baraan ardeyda dugsigaas wax ka barata.

Maamulaha dugsiga farsamda gacanta Hargaysa Md.Cabdicasiis Cige Rayaale ayaa ka mahadnaqay deeqdan hay’ada NRC soo gaadhsiisay dugsiga, waxaanu sheegay, in deeqdani wax badan ka tari doonto baahidii qalab ee uu dugsigu qabay.

Sidoo kale, agaasimaha hubinta tayada farsamda gacanta (TVQA) ee wasaaradda waxbarashada Warda Maxamed Cali ayaa saraakiisha hay’ada NRC ku bogaadisay sida ay uga soo jawaabeen dalabkii iyo rabitaankii dugsiga farsamda gacanta Hargaysa.

Waxa iygunna, munaasibadaa hadalo kooban ka soo jeediyey saraakiisha ka socday hay’ada NRC, waxaanay sheegeen in mashruucan ay maalgelisay hay’ada UNHCR isla markaana ay fulisay hay’ada NRC.

Mashruucan ayaa ujeedadiisu ahayd, in xirfado lagu baro ardeyda ka soo jeeda qoysaska qoxootiga ah ee ku suggan Somaliland, si loo baro xirfado ay ku shaqaystaan.

Ugu danbayn, waxay wasaaradda waxbarashada iyo maamulka dugsiga farsamada gacanta Hargaysa uga mahadnaqeen sida wanaagsan ee ay u wada shaqeeyaan.