Wasaaradda Waxbarashada Somaliland waxay xaflad sagootin ah u samaysay 450 arday oo deeq waxbarasho ka helay Ethiopia

Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxay saaka xaflad sagootin ah u samaysay Arday tiradoodu dhantahay 450 oo Deeq waxbarasho ka helay dalka itoobiya.

Waxaa xaflada sagootinta kasoo qaybgalay oo hadalo dardaaran iskugu jira u jeediyay wasiiro kamid ah xukuumada Somaliland. Waxaa loo sheegay inay safiiro JSL ah yihiin, habdhaqankooda hagaajiyaan, dadaal iyo kartina muujinayaan intay waxbarashada ku maqan yihiin.

Ardaydu waxay baxayaan subaxnimada sabtida, Waxaana noolka ka bixinaya ardayda madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland.

Halkan ka daawo muuqaalka warkan: