Wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga ayaa qabatay kulan ay isagu yeedhay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee soo dajiya, dawooyinka xoolaha.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga JSL, Dr. Axmed Cali Maax, ayaa furay kulanka ay wasaaraddu isugu yeedhay shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee soodejiya daawooyinka xoolaha, kaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda, isla markaana ay soo qaban qaabisay waaxda caafimaadka xooluhu.

Kulankan ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay sidii loo illaalinlahaa badqabka daawada iyo sidoo kale tayada dawooyinka xoolaha ee dalka la keeno.

Markii uu soo dhammaaday kulankaasi, waaxda caafimaadka xoolaha wasaaradda, ayaa shirkad kasta ku wareejisay natiijadii ka soo baxday baadhitaankii lagu sameeyay dawooyinka ay keenan.

Gaba-gabadii shirkaddaha daawooyinka keena ayaa soo dhaweeyay dadalka wasaaraddu ay waddo, iyaga oo u arkay tallaabo xagga wanaagsan loo qaaday iyada oo laga duulayo caafimaadka xoolaha nool, maadama xoolaha nooli yihiin laf dhabarta dhaqaale ee dalka JSL.