Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ayaa sheegtay in ay ka talaaleen Xanuuno hal milyan oo neef.
Agaasimaha waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Cabdiqani Xaamud Cawaale ayaa waxa uu sheegay in lixda Gobal ee dalka ka sameeyeen hawlgal lagu dawaynayay Xoolaha,isla,markaana ay wacyigalin siiyeen xoolo dhaqatada.
Cabdiqani Xaamud oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Sannadkan 2023 ee aynu ku jirno ee 20 kii bishii February,waxa aanu hawlgalinay kooxo sameeyo dawaynta Xoolaha oo ka hawlgalay lixda gobal,waxa aanu hawl galinay 25 kooxood oo ka hawlglayay lixda gobal ee dalka,oo tiiim kiiba waxa uu ka koobnaa shan qof iyo afar dhakhtar oo caawinayay iyo kalkaaliyaashii degmooyinka Caafimaadka Xoolaha.ujeedada waxa ay ahayd in laga daweeyo xanuunada xoolaha,waxaana aanu dawaynay hal Milyan oo neef.waxaana la siiyay dawooyin nafaqayn iyo fiito miin 230 kun oo Neef oo kala duwan,dhamaan xoolahaasi way Caafimaad qabaan.waxaana la wacyigaliyay 200 oo kun oo qof oo xoolo dhaqata,waxa kale oo kalkaaliyaasha Caafimaadka Xoolaha soo gureen Xanuunada ka soo gudbay xuduudaha waxaana ay keeneen waaxda Caafimaadka ee Wasaarada,