Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland oo Buugga Dastuurka Somaliland gudoonsiisay.

Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland oo Buugga Dastuurka Somaliland gudoonsiisay Martidii ka qayb gashay Barnaamijka Bandhiga Buuggaagta Hargaysa oo qayb ka mid ah ay marti gelisay Maktabada Gebilay .

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay Maayirka Degmada Gebilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo Wasaaradda Dastuurka ku amaanay doorka ay ku leedahay barnaamijka bandhiga buugaagta Hargaysa ee maktabada gebilay lagu qabtay isagoona intaa ku daray in Wasaaradda Dastuurku ay qaranka u hayso shaqo aad u muhiim ah.
Gudoomiyaha Maktabada Gebilay Mustafe Maxamed Xasan oo isna madasha ka hadlay ayaa si weyn usoo dhoweeyay Barnaamijka ay wasaaradda Dastuurku Buugga Dastuurka Somaliland ugu qaybinayso Martida kasoo qayb gashay Bandhiga Buugta Hargaysa ee Maktabada Gebilay ,waxaanu intaas ku daray in Wasaaradda Dastuurka iyo Maktabada Gebilay uu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo.

Intaa ka dib waxa iyana hadalka iskaga dambeeyay Xoghayaha Dawlada hoose iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Degaanka ee gebilay oo si weyn u soo dhoweeyay barnaamijyada lagu qabtay Maktabada gebilay, iyaga oo Carabka ku adkeeyay muhiimada ay dhalinyarada u leedahay in ay bartaan Dastuurka iyo Waddaniyadda.

Ugu dambayna waxa madashaasi ka hadlay isuduwaha Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Gobolka Gebilay Xamse Axmed Maxamuud oo sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha Wasaaraddu wado ee muwaadiniinta lagu barayo Dastuurka Dalka iyo Waddaniyadda.