Wasaarado ka tashanaya sidii looga hortagi lahaa xaalufinta deegaanka

 

Wasaaradaha Deegaanka, Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha ayaa shir soconaya laba maalmood uga furmay magaalada Hargeysa kaas oo lagaga tashanayo sidii looga hortagi lahaa xaalufinta deegaanka Somaliland.

Furitaankii shirka waxa ka soo qayb galay Wasiirka Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax, Wasiirka Beeraha Md. Maxamed Aw Daahir Ibraahim iyo qaar ka mid ah madaxda gobollada kuwaas oo dhammaantood carrabka ku adkeeyey muhiimadda deegaanku u leeyahay nolosha aadamaha iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la dhawro.

Waxa iyaguna shirka ka qayb qaadanaya isu-duwayaasha wasaaradahan u fadhiya gobollada Somaliland.

Shirkan ayaa la filayaa in uu falanqeeyo hannaanka ugu habboon ee dhibaatadan wax looga qaban karo isla markaana ay gunaanadkiisa ka soo baxaan qodobo ficil loo bedeli karo oo dhibaatada deegaanka lagu hayo hoos u dhigi kara ama xal u noqon kara.