Wasaarado soo bandhigay teknoolaji cusub oo beeraha lagu horumarinayo

Wasaarado ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigay teknooloji cusub oo lagu horumarinayo beeraha, kuwaas oo suurtogelinaya in dalaggu u baahdo biyo yar wax badanna marka dambe laga goosan karo.

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa maanta bogga ay ku leedahay Facebook-ga ku baahisay war qoraal ah oo arrintan ku saabsan, kaas oo u dhigan sidan:

Bandhigan oo ka dhacay Hoteel Maansoor Ee Magaalada Hargaisa Ayaa waxaa Soo Qaban Qaabiyey Dhalinyaro Iyagu maskaxdooda La kaashaday sidii ay u ikhtiraaci laahayeen fikir cusub oo wax beerisa.

Bandhigan ayaa Waxaa ka soo Qayb Galay Wasiirada Wasaradaha Qorshaynta,Deeganka,Xanaanada Xooalaha,Xoolo dhaqato iyo Xubnaha Bulshada .

Intii Bandhigani socday ayaa waxaa ay dhalin yaradu kusoo bandhigtay Galley ay beereen kuwaas oo xooluhu ku munaafacaad sanayaan mudo 7 cisho Gudahooda iyo Muuqaalo ku saabsan Habkan Cusub Ee Wax beerista iyagoo dhalin yaradu sheegay In Loo qiyaasayo Biyaha Cadceeda Iyo Hawadaba laguna dhex beerayo Qol iyadoo aan wax ciid ahna aan ku baxayn.

Dhalinyaradan oo ka waramaya Nidaamkan cusub Ee Wax beerista iyo Faa,idadiisa ayaa waxaa ay sheegen in xooluhu marka uu cuno 10 laabkeed uu ka waxtar iyo tayo badan yahay marka kale .
Habkan cusub ee wax Beerista ayaa waxaa laga isticmaala wadamada Maraykanka iyo Ingriiska iyo wadamo kale ee Horumaray.

Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay wasiirada wasaaradaha Qorshaynta ,Deeganka Iyo Xanaanada Xoolaha oo Aad Ula dhacay fikirkan,iyagoo dhamaantood ku Booriyay Bulshada Ku dhaqan wadanka
Soomaliland sidii loo gaadhsiin lahaa Dhamaan umada Ku dhaqan soomaliland Gaar ahaan Cida ka ganacsata Xoolaha iyo Cid kastoo Manaafacaadsata

intii bandhigani socday Ayaa waxaa ay bulshadu dhan kooda waydiinayeen dhalin yarada su,aalo la xidhiidha habka wax beerista.

Habkan Cusub Ee Wax beerista ayaa waxaa uu U muuqdaa Mid wax ka badali doonta dhamaan umada xoolo dhaqatada Ee Ku dhaqan soomaliland dhinacyada dhaqaalaha,tayada manaafacaadka xoolaha iyo waliba sidoo kale Deeganka.

Ugu dambayn waxaa Munaasibadan soo xidhay wasiirka wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire.

Bandhige@gmail.com