Wasiiiskii hore ee Arrimha Gudaha Duur ayaa ka hadlay sababta keentay is-casilaadda masuuliyiinta Waddani

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Caraale Duur ayaa markii ugu horeysay ka hadlay saddex masuul oo iska casilay xilalkii iyo xubinimadoodii xisbiga Waddani, war-qoraalkan ayuu Duur ku baahiyey bartii Internetka ayaa u dhignaa sida tan:

“Waxa dhaqanka siyaasadu noqday inta la-wada socdo in lays amaano marka la kala baydhona lays caayo ama leys aflagaadeeyo, haddaba waxaan halkan ku cadaynayaa in taasi tahay caado xun xubnaha ka tegay xisbigana ahaayeen rag sharaf iyo karrraamo lahaa welina leh sharaftii ay shalay lahaayen mana geyaan xumaan rayigoodana waa u xor. Doonta xisbiga Waddani waa mid socota soconaysa, sababta is casilkooda waa is waydiin doona waxa keenay.”

Duur wuxuu dareemay in ay sabab weyn isku casileen masuuliyiintani xilalka muhiimka ah ka hayey xisbiga Waddani, waxaanu sheegay in ay baadhi doonaan sababta ay isku casileen masuuliyiintani.

Iscasilaadan ayaa la filayaa inay saamayn ku heelato xisbiga Waddani maadaam ay hal mar iskacasileen saddex masuul. Waxa kale la filayaa jawaabta xisbiga masuuliyiintan iskacasilay ka bixiyo maalmaha soo socda.

bandhige@gmail.com