Wasiir Cukuse oo Axsaabta mucaaridka ugu baaqay inay xukuumadda doorashada kala shaqeeyaan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta kulan uu la qaatay hogaanka sare ee Ururka suxufiinta Somaliladn ee SOLJA, kaga waramay sida ay lagama maar maan ka u tahay in xisbiyada mucaaridku ay dawlada kala shaqeeyaan sidii aanay mar dabe Doorashada Madaxtooyada iyo tan Gollaha Wakiilada aanu dib u dhac ugu iman , waxaanu usoo jeediyey inay xukuumada kala shaqeeyaan sidii ay doorashadu u qabsoomi lahayd.

Waxaanu  uu Xisbiyada Mucaaradka ku Amaanay Siday u aqbaleen go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare ee Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlayaa arimahaasi ayaa waxa uu yidhi:

‘’ Mihiimadu waxay tahay in sidii markale aanay doorashada dalka dib u dhac ugu iman, waa in laga wadda shaqeeyo, oo xisbiyada mucaaridku taas is waydiiyaan, inta ay intii hore iska soo dhaafaan, runtiina waanay ku mahadsan yihiin inay mucaaridka iyo muxaafidkuba aqbaleen, go,aankii Maxkamada sare soo saartay ee ay ku xalisay arimihii doorashada, waana hawl waajib ah oo ay guteen.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray:

‘’waxaan soo jeedinayaa in xisbiyada mucaaridku xukuumada kala shaqeeyaan Doorashada, si aan mar dambe dib u dhac ugu iman, oo laga wadda hadlaa maxaa inaga qabyo ahaa ee sababaya korodhsiimaha doorashada oo laga wadda shaqeeyaa arintaas, oo uu komishankuna kaalinta koowaad ka qaataa hawshaa.

Wasiir cukuse isaga oo ku hadlayaa Magaca Afhayeenka Xukuumada Somaliland, ayaa sheegay in ay xukuumadu hore diyaar ugu ahayd doorasho, maantana sidaas oo kale ay diyaar ugu tahay, laakiin se hadaan laga wada shaqeyn ay sababi karto inay Doorashadu dib u dhacdo, waxaanu yidhi:

‘’ Maanta xukuumadu waa u diyaar in aanay doorashadu wakhtigeedii aanay dib uga dhicin, ee wakhtigii loo cayimay ay ku qabsoonto, laakiin hadii aan lagala shaqeyn waxay sababi kartaa in dib u dhac ku yimaado, si taana looga hor tago waa in asxaabta mucaariku xooga saaraan sidii ay xukuumada ugala shaqayn lahaayeen.

Waxaa la wada ogsoonyahay in maxkamada dastuuriga ahi ay dhawaan ka soo saartay go,aamo, arimihii muddo kordhinta ee xukuumada iyo mucaaridku inta badan ay isku khilaafsanaayeen, hase ahaatee ay ku qanceen xukuumada iyo mucaaridkuba go,aankaas maxkamadu soo saartay waxaana lagu wadda 28 march sanadka2017-ka inay doorashadu ka qabsoonto dalkan Jamuuriyada Somaliland