Wasiir Cukuse oo ka hadlay sababta Nicholas Kay isugu hawlayo arrimaha doorashooyinka Somaliland

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillahi Maxamed Daahir Cukuse oo saaka shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in sababta Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Somaliland Nicholas Kay uu isugu hawlayo arrimaha doorashada Somaliland isla markaana faragelinta ugu samaynayo ay tahay Ergayga oo aaminsan in dib-u-dhaca doorashooyinka Somaliland ay sababi karaan dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo la muddeeyey in ay dhacaan 2016.

“Waxanu soo ogaanay sababta Nicholas Kay uu isugu dhajinayo arrimaha doorashooyinka Somaliland. Wuxu aaminsan yahay in doorashada Somaliland iyo ta Soomaaliya isku xidhan yihiin oo haddii ay tani dib u dhacayso taasina dib u dhacayso.” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

“Somaliland waa dal madaxbannaan oo aan faro-gelin ogolayn. Arrimaha doorashooyinkeena waayo-arag baynu ku nahay oo innaga ayaa ku filan. Doorashooyinka Soomaaliya annaga wax naga khuseeyaa ma jiro” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi “dadka qaar baa u haysta in quutal-daruurigii la waayayo haddii Beesha Caalamku waxa ay ina siiso inaga jarto. Waxba ma dhacayaan.”

Wasiirku wuxu sheegay in dad (siyaasiyiin) ah oo reer Somaliland ay u dhego-nuglaadeen Nicholas Kay iyo qorsheyaashiisa, taas oo uu ku tilmaamay wax laga xumaado.

Dhanka kale, Wasiirku wuxu qiray in Somaliland aanay ka maarmi karayn Beesha Caalamka. Wuxuna yidhi:

“Beesha Caalamka kama maarano oo waynu u baahan nahay. Waanan uga mahadcelinaynaa taageerada ay nasiiyaan. Laakiin 90% inagaa isku tashanay. Isku-tashi ayaynu halkan ku soo gaadhnay.”

Beesha caalamka ayaa 13-kii May war-saxaafadeed ay soo saareen si adag ugaga hadlay muddo-kordhintii ay sameeyeen Golaha Guurtida Somaliland, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in go’aankaas dib loogu noqdo isla markaana la isla meel dhigo wax ay saddexda xisbi heshiis ku yihiin.

Dhanka kale, xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata in ay iyaduna dhinaceeda qaadayso tallaabooyin ay culeys ku saarayso bulshada caalamka. Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde oo VOA-da waraysi siiyey 11-kii May ayaa sheegay in ay Somaliland gacan bir ah ku qabanayso cid kasta oo xasilooni darro u keenaysa dalka ama ha ahaato Qaramada Midoobay ama Beesha Caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxu Axaddii ina dhaaftay ku dhawaaqay in Somaliland ay joojisay qaabilaadda qaxootiga ka soo cararaya qalalaasaha Yemen kadib markii dunidu dadkaas waxba u tari wayday.

Go’aanka Somaliland ku joojisay qaxootiga ayaa dad badani u fasirteen culeys ay xukuumadda Somaliland saarayso Beesha Caalamka si ay ugu dirqido in ay wax ka bedelaan mowqifkooda la xidhiidha muddo-kordhinta loo sameeyey xukuumadda.

bandhige@gmail.com