Wasiir Faratoon oo lagu soo dhoweeyey Hargeysa

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa shalay si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa kadib markii uu ka soo laabtay dalka Ingiriiska oo uu muddo todobaad ah ku maqna. Soo dhaweyntan oo u muuqatay mid fooladayn ah ayuu wasiirku sheegay in aanay filayn islamarkaana ay farxad galisay.

Soo dhaweynta wasiirka arrimaha gudaha waxa ka qayb galay madaxdhaqameed, wasiirro iyo xildhibaanno ay ka soo wada jeedaan gobollada bariga, iyo dadweyne badan oo sawirkiisa oo hadallo soo dhaweyn ah lagu xardhay sita.

Wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa u cudur daaray soo dhaweyntan loo arkay mid dareen gaar ah wadata waxaanu ku dooday in dadka soo dhaweynaya yihiin intii wada shaqayntu ka dhexaysa, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

Munaasibadan waxa madaarka Caalamiga ah ee Cigaal lagu soo dhawaynaya wasiirka arrimaha gudaha, Soomaalidu waxbay isku khaladaaye waxa si caadi ah u soo dhawaynaya dadkani, waa saaxiibadii, waa dadkii ay isku shaqada ahaayeen, waa wasaaraddihii oo cid walba cid ka socota ayaa yimid.” 

Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in soo dhaweyntani farxad galisay, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

Cuqaasha, wasiirrada, xildhibaannada, badhasaabka, madaxda kale ee dawladda dhmmaantiinba soo dhaweyntiina tan maan filayn oo kuma soo talo gelin laakiin, aad bay ii beer qaaday, aad bay niyadsami iyo farxad weyn iigu beertay iyo kalsooni aad iyo aadna waan idiinku mahadnaqaya dhammaantiin.”

Ugu dambeyn wasiirku waxa uu sheegay in dalka Ingiriiska uu kulamo guud iyo kuwo gooni gooni ah kula yeeshay qurbejoogta Somaliland waxaanu ku dooday in dadka halkaasi jooga ee degaankiisu yihiin kuwo fahansan waxa mucaaradada mudan islamarkaana aanay wanaagga mucaaradayn, isagoo arrintaasi ka hadlayana wasiirku waxa uu yidhi:

“Qolyaha mucaarad baanu nahay meelaha ka yidhaa, dadkaasi mucaaradnimadu waxay tahay bay barteen wixii xun bay mucaaradayaan ee wixii wanaagsan oo dhan way taageerayaan oo adduunka ayay ka arkeen sida wax loo mucaarado iyo sida wax loo taageero marka isbedel weyn ayaa dibada ka dhacay.”

Soo dhaweyntan lagu barbar istaagay Wasiir Faratoon ayaa imanaysa xilli ay muddooyinkii u dambeeyay socdeen hadal hayn ah in xilka wasaaradda arrimaha gudaha laga qaadayo, islamarkaana aanu miisaankii la filayay ku lahayn dadaallada bariga ee lagu doonayo in bulshadaasi Somaliland wax la qaybsato. Waxa kale oo jiray hadal hayn ah in ay jiraan dad ay isku degaan yihiin oo doonaya in ay isaga fashiliyaan.

Xigasho: Warsugan

bandhige@gmail.com